Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dhismaha casriga ah ee Wassaaradda Dhallinyaradu uu ka q

SO
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV

Akhris kooban

Macnaha qormada

Maxaa dhacay

  • Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada dowladda ee kor u qaadista adeegyada dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka.

Qodobada muhiimka ah

  • Dhismaha cusub ayaa la sheegay inuu ka qiimo badan yahay dhismayaal badan oo kale oo dowladda leedahay.
  • Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha uu astaan u yahay mudnaanta dowladda ay siineyso awood siinta dhallinyarada Soomaaliyeed.
  • Wuxuu ka hadlay guulaha dowladda ka gaartay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, iyo dhammaystirka Dastuurka khudbaddiisa xarig-jarka.
  • Madaxweynaha ayaa sheegay in ajendeyaasha dowladda ay ku saleysan doonaan Dastuurka la ansixiyay.

Xaddidaadda isha

  • Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada qiimaha dhismaha.
  • Ma jiraan wax jawaab ah oo ka imaanaya mucaaradka ama dhaleeceeyayaasha ku saabsan dadaallada dowladda ee la xusay.
  • Maqaalku wuxuu si weyn u tiirsan yahay hadallada madaxweynaha iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.

Gunaanadka akhristaha

Xarig-jarka xarunta cusub ee wasaaradda ayaa muujinaya diiradda dowladda ee awood siinta dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha Soomaaliya.

Waxa weli aan caddayn

  • Maxay yihiin adeegyada gaarka ah ee xarunta cusub ee wasaaradda ay u fidin doonto dhalinyarada?
  • Sidee ayay dowladda u cabbiri doontaa saameynta dhismahan ku yeelanayo awood siinta dhallinyarada?
  • Maxay yihiin talaabooyinka xiga ee dhammaystirka Dastuurka ee madaxweynaha xusay?

Sababta ay muhiim u tahay

Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dhismaha casriga ah ee Wassaaradda Dhallinyaradu uu ka qiimo badanyahay dhismeyaal badan oo dowladda lagu tabarucay, halkan kan lagu dhisay dhaqaale, aqoon iyo maskax dad soomaaliyeed, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu astaan u yahay mudnaanta ay dowladdu siinayso awood siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasi oo laf dhabar u ah horumarka, nabadda iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka ayaa sidoo kale, si qoto dheer uga hadlay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyaha ayaa tilmaamay in iyada oo laga duulayo ballamihii shacabka Soomaaliyeed laga qaaday, mudnaan gaar ah la siiyay dhammaystirka Dastuurka dalka, isla markaana ajendeyaasha dowladda Federaalka ay ku saleysnaan doonaan Dastuurka la ansixiyay, iyada oo xil-haynta hay’adaha dowladda, kala dambeynta awoodaha iyo habraacyada dowladeedba laga tixraacayo Dastuurka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo matalaad dadweyne.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralciyaarahawasaaraddasheekh
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.