Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ubax dhigay Taaladda SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano…

SO
Sawir war oo la xiriira Madaxweyne Xasan Shiikh oo ubax dhigay Taaladda SYL
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay Taalada SYL si loo xuso 83-sano guurada aas-aaskii Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Maxaa la shaaciyey

  1. Madaxweynaha ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.
  2. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halyeeyadii dhallinyarada SYL ay astaan mideysay shacabka Soomaaliyeed.
  3. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay ka qayb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka.

Macnaha guud

Munaasabaddan ayaa lagu xusayaa 83-sano guurada aas-aaska Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo isku duuban.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Taalada SYL
2026-05-15

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka faa'iidi karaan in ay fahmaan doorka dhalinyarada ee xoreynta dalka iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo qaranimada.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ubax dhigay Taalada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halyeeyadii dhallinyarada ahaa ee ku bahowday Ururkii SYL ay ahaayeen astaan mideysay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseeday baraarug qaran oo saldhig u noqday helitaanka xorriyad dhammeystiran iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta qaranimada iyo horumarinta dowladnimada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiilasha maanta jooga looga baahan yahay in ay la yimaadaan waddaniyaddii, midnimadii iyo himiladii ay ka tageen aas-aasayaashii SYL, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo isku duuban.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralxasanshiikhtaaladda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.