Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Malawi Oo Ku Biirtay Dalalka Muwaadiniintooda Ka Daadgureynaya Koonfur Afrika Xilli Ay Sii Kordhayaan Cabashooyinka Ajnabi-Naceybka

Lilongwe – Dowladda Malawi ayaa ku dhawaaqday inay dhowaan billaabi doonto qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniinteeda doonaya inay ka baxaan Koonfur Afrika, iyadoo ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira weerarro iyo hanjabaado lagu bartilmaameedsanayo muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool dalkaas. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Malawi ayaa lagu sheegay in [&#8230

SO
Sawir war oo la xiriira Malawi Oo Ku Biirtay Dalalka Muwaadiniintooda Ka Daadgureynaya Koonfur Afrika Xilli Ay
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Lilongwe – Dowladda Malawi ayaa ku dhawaaqday inay dhowaan billaabi doonto qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniinteeda doonaya inay ka baxaan Koonfur Afrika, iyadoo ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira weerarro iyo hanjabaado lagu bartilmaameedsanayo muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool dalkaas.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Malawi ayaa lagu sheegay in qorshaha dib u celinta uu ku koobnaan doono muwaadiniinta si iskood ah u codsaday in dowladda laga caawiyo dib ugu laabashada dalkooda. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in faahfaahinta howlgalka, gaadiidka iyo jadwalka safarrada la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo diyaarinta qorshaha.

Malawi ayaa sidaas ku biireysa dalal kale oo Afrikaan ah oo qaaday tallaabooyin lagu badbaadinayo muwaadiniintooda ku sugan Koonfur Afrika. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Ghana, oo toddobaadkii hore dib u celisay boqolaal muwaadiniin ah, iyo Mozambique, oo iyaduna bilowday daadgureynta muwaadiniinteeda kaddib markii la sheegay in shan qof oo u dhashay dalkaas lagu dilay rabshado ka dhacay magaalada xeebta ah ee Mossel Bay.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii kooxo deegaanka ah oo kasoo horjeeda soogalootiga ay soo saareen baaq ay ajaaniibta aan sharciga ku joogin dalka ugu qabteen inay ka baxaan ugu dambeyn 30-ka Juun, arrintaas oo cabsi ku abuurtay bulshooyinka ajaanibta ah ee ku nool Koonfur Afrika.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralmalawiafrikakoonfur
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.