Maxaa kasoo baxay shirkii maanta Xalane uga furmay Dowladda iyo Mucaaradka?
May 13(Jowhar)Waxaa soo idlaaday shirkii maanta Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane ugaga furmay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Mucaaradka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulanka maanta dowladda Soomaaliya ku matalayey,halka dhanka Mucaaradka shirka ay ku matalayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharii

Shirkii maanta Xalane uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisulwasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa matalayey dowladda Soomaaliya.
- Mucaaradka waxaa matalayey Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
- Kulanka ayaa ku bilowday jawi daggan waxaana lagu ballamay in la sii amba-qaado wadahadalada berri.
Macnaha guud
Shirkan ayaa ka dhacay Muqdisho si loo xalliyo arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka.
“Kulanka oo jawi daggan ku bilowday ayaa kusoo idlaaday in lagu ballamay is arag kale.”
Sababta ay muhiim u tahay: Shirkan ayaa muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed maadaama uu ku saabsan yahay doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 13(Jowhar)Waxaa soo idlaaday shirkii maanta Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane ugaga furmay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Mucaaradka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulanka maanta dowladda Soomaaliya ku matalayey,halka dhanka Mucaaradka shirka ay ku matalayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sidoo kale Shirka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan beesha caalamka.
Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan nooca doorasho iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka ayaa diiradda lagu saarayaa shirka dhinacyada ayaana maanta dood hordhac ah ka yeeshay qodobada qaar inkasta oo kulanku maanta ahaa is arag guud.
Kulanka oo jawi daggan ku bilowday ayaa kusoo idlaaday in lagu ballamay is arag kale iyadoona berri lasii amba-qaadayo wadahadalada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan