Maxay DF iyo hay’adaha caalamiga ah maanta ku ansixiyeen Muqdisho?
Muqdisho (Caasimada Online) – Sanduuqa qaranka ee maalgelinta cimilada oo kaashanaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha, isla markaana ay taageereyso hay’adda caalamiga ah ee biyaha (GWPSA) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shirweyne muhiim ah. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay hay’adaha dowladda, saaxiibbada horumarinta, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday waaxda

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sanduuqa qaranka ee maalgelinta cimilada oo kaashanaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha, isla markaana ay taageereyso hay’adda caalamiga ah ee biyaha (GWPSA) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shirweyne muhiim ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay hay’adaha dowladda, saaxiibbada horumarinta, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday waaxda gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ka arrinsanayay qorshayaal lagu xoojinayo amniga biyaha iyo la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta laba hindise oo muhiim ah, kuwaas oo la xiriira horumarinta adeegyada biyaha iyo kordhinta adkaysiga bulshooyinka Soomaaliyeed ee saameynta isbeddelka cimilada ee afarta sano ee soo socota.
Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahayd ansixinta mashruuca “nidaamyada kaydinta iyo gurashada biyaha roobka ee magaalooyinka nugul ee Soomaaliya”, kaas oo lagu qiyaasay 25.8 milyan oo doollar.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan