Midowga Afrika iyo EU oo ka digay arrin xasaasi ah oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiMidowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ka digay caqabado dhaqaale iyo hawlgal oo soo food saaray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, taasoo halis gelin karta guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinSi loo xalliyo caqabadaha jira waxay ku baaqeen in howlgalada nabad ilaalinta Midowga Afrika loo helo maalgelin ku filan, joogto ah oo la saadaalin karo, iyagoo xusay in taageerada dhaqaale ee caalamku ay lagama maarmaan u tahay sii socoshada hawlgallada amni.
- Labada urur ayaa arrintan si gaar ah uga hadlay kulan wadatashi ah oo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee qaaradda Afrika, gaar ahaan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya iyo kaalinta uu ku leeyahay amniga dalka.
- War-murtiyeed kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay bogaadiyeen dowladda Soomaaliya, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan howlgalka, iyagoo aqoonsaday horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
- Hase yeeshee, labada dhinac ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhaqaale-yarida iyo caqabadaha hawlgal ee AUSSOM, iyagoo ka digay in dhibaatooyinkaas ay wiiqi karaan guulihii amni ee la gaaray, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha Soomaaliya ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa khataraha suurtagalka ah ee ku wajahan guulaha amni ee Soomaaliya sababo la xiriira caqabadaha dhaqaale iyo hawlgal, taasoo saameyn karta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caqabadaha dhaqaale ee hadda saameynaya howlgalka AUSSOM?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ka digay in caqabadaha dhaqaale iyo kuwa hawlgal ee soo food saaray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ay halis gelin karaan guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.
- Labada urur ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhaqaale-yarida iyo caqabadaha hawlgal ee AUSSOM, iyagoo ka digay in dhibaatooyinkaas ay wiiqi karaan guulihii amni ee la gaaray, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dardar-gelinta dagaalka A
- Sidoo kale, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku boorriyay dowladda Soomaaliya inay qiimeyso saameynta ay ku yeelan karto xaaladda amni dhimista la qorsheeyay ee taageerada Qaramada Midoobay siiso howlgalka UNSOS.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ka digay in caqabadaha dhaqaale iyo kuwa hawlgal ee soo food saaray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ay halis gelin karaan guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira mustaqbalka taageerada amni ee dalka.
Labada urur ayaa arrintan si gaar ah uga hadlay kulan wadatashi ah oo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee qaaradda Afrika, gaar ahaan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya iyo kaalinta uu ku leeyahay amniga dalka.
War-murtiyeed kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay bogaadiyeen dowladda Soomaaliya, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan howlgalka, iyagoo aqoonsaday horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Hase yeeshee, labada dhinac ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhaqaale-yarida iyo caqabadaha hawlgal ee AUSSOM, iyagoo ka digay in dhibaatooyinkaas ay wiiqi karaan guulihii amni ee la gaaray, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha Soomaaliya ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga.
Sidoo kale, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku boorriyay dowladda Soomaaliya inay qiimeyso saameynta ay ku yeelan karto xaaladda amni dhimista la qorsheeyay ee taageerada Qaramada Midoobay siiso howlgalka UNSOS, gaar ahaan mustaqbalka kala-guurka ciidamada iyo awoodda howlgalka ee taageerada uu bixiyo.
Si loo xalliyo caqabadaha jira waxay ku baaqeen in howlgalada nabad ilaalinta Midowga Afrika loo helo maalgelin ku filan, joogto ah oo la saadaalin karo, iyagoo xusay in taageerada dhaqaale ee caalamku ay lagama maarmaan u tahay sii socoshada hawlgallada amni.
Ugu dambeyntiina, labada urur ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo soo dhoweeyay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Si kastaba, digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saamayn ku yeelan kara waajibaadkiisa Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ka digay caqabado dhaqaale iyo hawlgal oo soo food saaray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, taasoo halis gelin karta guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.
Qodobada muhiimka ah
- Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ka digay in caqabadaha dhaqaale iyo kuwa hawlgal ee soo food saaray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ay halis gelin karaan guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.
- Labada urur ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhaqaale-yarida iyo caqabadaha hawlgal ee AUSSOM, iyagoo ka digay in dhibaatooyinkaas ay wiiqi karaan guulihii amni ee la gaaray, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dardar-gelinta dagaalka A
- Sidoo kale, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku boorriyay dowladda Soomaaliya inay qiimeyso saameynta ay ku yeelan karto xaaladda amni dhimista la qorsheeyay ee taageerada Qaramada Midoobay siiso howlgalka UNSOS.
- Ugu dambeyntiina, labada urur ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan walaacyada la soo jeediyay.
- Eedeymaha waxaa lagu saleynayaa war-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Faahfaahin gaar ah lagama bixin caqabadaha dhaqaale ee la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan joogtaynta dadaallada amniga ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caqabadaha dhaqaale ee hadda saameynaya howlgalka AUSSOM?
- Dowladda Soomaaliya sidee bay u qorsheyneysaa inay wax ka qabato walaacyada ay soo jeediyeen Midowga Afrika iyo Midowga Yurub?
- Maxay yihiin saameynta dhimista taageerada Qaramada Midoobay ee xaaladda amni ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa khataraha suurtagalka ah ee ku wajahan guulaha amni ee Soomaaliya sababo la xiriira caqabadaha dhaqaale iyo hawlgal, taasoo saameyn karta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · dagaalka · midowga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Ururka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka digaya in dakhli la'aantu khatar gelin karto guulaha amniga Soomaaliya
Shabelle Media
- AU, EU waxay ka digayaan in horumarka amniga Soomaaliya khatar ku jiro sababo la xiriira maalgelinta AUSSOM
Shabelle Media
- Ciidanka XDS oo Leego ku Dilay In Ka Badan 60 Xubnood oo Al-Shabaab ah
Hiiraanweyn