Midowga Afrika, Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Faransiiska oo kawada hadlay cooladaha ka tagan afrika
Addis Ababa – Madaxweynaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa. Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Afrika iyo xaaladaha caalamiga ah, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay is dhaafsadeen aragtiyo [&#

Madaxweynaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa kulan ku yeeshay Addis Ababa si ay uga wada hadlaan arrimaha Afrika iyo xaaladaha caalamiga ah.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo nidaamka dhinacyada badan leh si xal waara loogu helo caqabadaha ka jira caalamka.
- Hoggaamiyeyaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in Afrika ay hesho matalaad buuxda oo cadaalad ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
- Saddexda hoggaamiye ayaa ku heshiiyeen in magaalada Paris lagu qabto shir caalami ah kahor dhammaadka sanadkan 2026.
“Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Afrika ay hesho matalaad buuxda oo cadaalad ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”
Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha waxay ka faa'iidaysan karaan in kulankan uu saameyn ku yeelan karo siyaasadda iyo amniga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Addis Ababa – Madaxweynaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Afrika iyo xaaladaha caalamiga ah, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan nabadda, amniga, horumar waara, cimilada iyo nuglaanshaha dhaqaalaha dunida.
Saddexda dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo nidaamka dhinacyada badan leh si xal waara loogu helo caqabadaha ka jira caalamka. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Afrika ay hesho matalaad buuxda oo cadaalad ah oo ay ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo tixraacay heshiisyada Ezulwini Consensus iyo Baaqa Syrte.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada ka hortagga colaadaha, dhexdhexaadinta iyo howlaha nabad ilaalinta ee qaaradda Afrika.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan