Midowga Yurub oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Muqdisho
Muqdisho, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo xal nabadeed. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa lagu sheegay in dagaalka ka qarxay Muqdisho uu yahay mid si weyn looga […]

Midowga Yurub ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Muqdisho.
Maxaa la shaaciyey
- Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey khasaaraha ka dhashay dagaalka Muqdisho.
- Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal.
- Baaqa Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la joojiyo dagaallada.
Macnaha guud
Dagaalka ka socda Muqdisho ayaa keenay walaac weyn oo ku saabsan nabadda iyo xasilloonida dalka.
““Dagaalka ka qarxay Muqdisho waa mid aad looga walaaco, waxaana ka xunnahay khasaaraha ka dhashay.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan nabadda iyo xasilloonida dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo xal nabadeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa lagu sheegay in dagaalka ka qarxay Muqdisho uu yahay mid si weyn looga walaacsan yahay, isla markaana laga xun yahay khasaaraha ka dhashay.
“Dagaalka ka qarxay Muqdisho waa mid aad looga walaaco, waxaana ka xunnahay khasaaraha ka dhashay. Soomaalidu waxay u baahan tahay nabad, xasillooni iyo horumar. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadalka, si khilaafaadka loogu xalliyo si nabadgelyo ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Midowga Yurub ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, iyadoo la xoojinayo wada-hadalka siyaasadeed si looga fogaado colaado hor leh oo saameyn ku yeesha shacabka Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan