Mucaarad Shiine ah oo ku baxsaday Dooni buufimo ah ayaa galay Kuuriya
Nin Shiine ah oo ku jiray xabsi ayaa sameeyey 30 saacadood oo geesinimo leh ka dib markii uu u baxsaday Kuuriyada Koonfureed, isaga oo badda sii maray, waana isku daygiisii afraad ee uu isku dayey inuu ka baxsado xabsiga dalkiisa oo uu dib ula midoobo qoyskiisa oo magangelyo laga siiyay Kanada. Nin oo lagu magacaabo […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Nin Shiine ah oo ku jiray xabsi ayaa sameeyey 30 saacadood oo geesinimo leh ka dib markii uu u baxsaday Kuuriyada Koonfureed, isaga oo badda sii maray, waana isku daygiisii afraad ee uu isku dayey inuu ka baxsado xabsiga dalkiisa oo uu dib ula midoobo qoyskiisa oo magangelyo laga siiyay Kanada.
Nin oo lagu magacaabo Dong Guangping, ayaa ahaa sarkaal hore oo booliis ah oo wajahayay sannado xabsi iyo xadhig ah sababo la xidhiidha dhaqdhaqaaqiisa, ayaa baxsaday isaga oo adeegsanaya Doon la buufiyey waxaana Isniintii helay Ilaalada Xeebaha Kuuriyada Koonfureed, sidaana waxa sheegay uu qareenkiisa iyo qof kale oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Dong – oo sidoo kale magangalyo ka helay Kanada – ayaa hore u baxsaday Thailand ka dibna Vietnam, laakiin ay mas’uuliyiinta Shiinuhu dib u soo xidheem oo dib ugu celiyay Shiinaha, taas oo keentay murugo qoyskiisa iyo dhaleecayn ka timid kooxaha xuquuqda aadanaha iyo mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay.
Imaanshaha Dong ee Kuuriyada Koonfureed hadda waxay cadaadis saari kartaa maamulka Madaxweyne Lee Jae Myung – kaas oo xilka qabtay sannadkii hore isla markaana isku dayay inuu dib u bilaabo xidhiidhkii uu dalkiisu la lahaa Shiinaha oo inta badan aan degganayn.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan