Muungaab oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Deni
Muqdisho – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Muungaab ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uusan magaalada Garoowe ka oggolaan bannaanbaxyo iyo rabshado, balse uu doonayo

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Muungaab ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uusan magaalada Garoowe ka oggolaan bannaanbaxyo iyo rabshado, balse uu doonayo in arrimahaas laga sameeyo Muqdisho. Waxa uu yiri:
“Haddii aad rabshado iyo bannaanbaxyo waddo, maxaad uga sameyn weyday Garoowe, adigoo Muqdisho la soo aaday?”
Hadalka Muungaab ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah mucaaradka dalka, kuwaas oo si weyn uga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga siyaasadeed ee caasimadda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan