Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh sameeyay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabadda lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururkaas taariikhiga ah ee horseedka u ahaa halgankii gobannimo-doonka dalka. Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku taalla agagaarka Madaxtooyada Qa

SO
Sawir war oo la xiriira Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh sameeyay maanta?
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha SYL si loo xuso 83-guurada aas-aaska ururkaas.

Maxaa la shaaciyey

  1. Munaasabadda ayaa ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku taalla agagaarka Madaxtooyada Qaranka.
  2. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doona doorka dhallinyarada SYL ee xorriyadda dalka.
  3. Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha, Dahabo Suusow, ayaa xustay in dhallinyarada looga baahan yahay inay ilaashadaan midnimada iyo qaranimada dalka.

Waxay tilmaantay in jiilka cusub looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada iyo qaranimada dalka.

Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab
Fagaaraha taallada SYL, Muqdisho
2026-05-15

Sababta ay muhiim u tahay: Munaasabaddan waxay muujinaysaa muhiimadda dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabadda lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururkaas taariikhiga ah ee horseedka u ahaa halgankii gobannimo-doonka dalka.

Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku taalla agagaarka Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir, xubno ka socday ururrada dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay ubaxa xusuusta ah ayaa si rasmi ah u dhigay taallada, iyadoo la filayo inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda, taas oo uu diiradda ku saari doono doorkii ay dhallinyaradii SYL ku lahaayeen xorriyaddii dalka iyo muhiimadda ay leedahay in jiilka maanta uu ka dhaxlo waddaniyaddii iyo midnimadii ay ku caanbaxeen halgamayaashaas.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in sidoo kale ka hadlo xaaladda ay maanta ku sugan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kaalinta looga baahan yahay inay ka qaataan dib u dhiska dalka, ilaalinta dowladnimada iyo horumarinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralxasansheekhmadaxweyne
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.