Nigeria: Wasiir Hore oo Lagu Xukumay Xabsi 75 Sano ah
Saleh Mamman, oo hore u ahaa wasiirkii korontada ee Nigeria, ayaa lagu xukumay 75 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xawishay 33.8 bilyan oo naira ($24.7 milyan; £18.5 milyan), waa xukun naadir ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta musuqmaasuqa ee dalka Galbeedka Afrika. Toddobaadkii hore, Mamman waxaa lagu helay 12 dacwadood, […]
Saleh Mamman, oo hore u ahaa wasiirkii korontada ee Nigeria, ayaa lagu xukumay 75 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xawishay 33.8 bilyan oo naira ($24.7 milyan; £18.5 milyan).
Maxaa la shaaciyey
- Mamman waxaa lagu helay 12 dacwadood oo ay ku jiraan adeegsiga shirkado gaar loo leeyahay si loo soo shubo lacagaha lala xidhiidhiyo warshadaha korontada.
- Maxkamadda sare ee Abuja ayaa amartay inuu bixiyo 22 bilyan oo naira ($16 milyan; £12 milyan).
- Xukunka Mamman ayaa dib u soo nooleeyay carada dadweynaha ee ku aaddan dhibaatada korontada ee muddada dheer ka jirtay Nayjeeriya.
Macnaha guud
Mamman ayaa ka baxay dalka tan iyo markii la xukumay, waxaana la raadinayaa.
“Wuxuu sheegay inuu ballan qaadayo mas’uuliyad iyo inuu dalkiisa u shaqeeyo.”
Sababta ay muhiim u tahay: Qofka Soomaaliyeed wuxuu ka warqabaa musuqmaasuqa iyo dhibaatada korontada ee ka jirta Afrika, taasoo saameyn ku leh nolosha dadka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Saleh Mamman, oo hore u ahaa wasiirkii korontada ee Nigeria, ayaa lagu xukumay 75 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xawishay 33.8 bilyan oo naira ($24.7 milyan; £18.5 milyan), waa xukun naadir ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta musuqmaasuqa ee dalka Galbeedka Afrika. Toddobaadkii hore, Mamman waxaa lagu helay 12 dacwadood, oo ay ku jiraan adeegsiga shirkado gaar loo leeyahay si loo soo shubo lacagaha lala xidhiidhiyo warshadaha korontada ee ay dowladdu maalgeliso.
Ninkan 68 jirka ah ayaa la xukumay isaga oo maqan Arbacadii – sida laga soo xigtay Guddiga Dembiyada Dhaqaalaha iyo Maaliyadda (EFCC), Mamman wuxuu ka baxay dalka, lamana oga meesha uu jiro tan iyo markii la xukumay. Isniintii, maxkamadda sare ee caasimadda Abuja ayaa soo saartay warqad lagu xidhayo Mamman, kaas oo ahaa wasiirka korontada intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2021.
Xilligaa waxa Nigeria madaxweyne ka ahaa Muhammadu Buhari, Mamman si cad ugama hadlin xukunkiisa. Toddobaadyo ka hor inta aan lagu dhawaaqin xukunkiisa, wasiirkii hore ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ugu tartamayo guddoomiyaha gobolka Taraba doorashada 2027, isaga oo matalaya xisbiga talada haya ee Nigeria. Wuxuu sheegay inuu ballan qaadayo mas’uuliyad iyo inuu dalkiisa u shaqeeyo, wuxuu helay Foomka Muujinta Xiisaha iyo Magacaabista ee hoos yimaada xisbiga (APC) sidaa waxa uu ku qoray baraha bulshada.
Madaxweyne Muhammadu Buhari uu ballanqaaday inuu wax ka qaban doono musuqmaasuqa ayaa shaqada ka eryay Mamman isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirada, ka dib markii madaxweynuhu uu sheegay inuu helay “dib u eegis madax-bannaan oo dhaleeceyn ah”. Xukunka Mamman ee Arbacadii, waxa ka mid ahaa oo maxkamadda sare amartay inuu bixiyo 22 bilyan oo naira ($16 milyan; £12 milyan).
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan