Puntland oo amar dul-dhigtay reer miyiga iyo xijiyaysatada Calmiskaad
Guddiga amniga gobolka Bari ayaa ku amray reer miyiga iyo xijiyaysataya in ay shan berri gudahood uga baxaan buuraha Calmiskaad,… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari, Col. Siciid Aadan Siciid
Guddiga amniga gobolka Bari ayaa ku amray reer miyiga iyo xijiyaysataya in ay shan berri gudahood uga baxaan buuraha Calmiskaad, gaar ahaan goobaha ay ku dhuumaalaystaan ururka Daacish.
Puntland waxay sheegtay ciddii aan muddaas ka bixin buuraha Calmiskaad in ay u aqoonsan doonto cid la shaqaysa Daacish. Sidoo kale Puntland waxay xustay in ay shan berri kaddib qaadi doonto howlgallo waaweyn oo cir iyo dhul ah, kuwaas oo oo ka dhan ah ururka Daacish.
Amarka lagu soo rogay reer guuraaga iyo xijiyaysatada wuxuu yimid, xilli duqeyn maalmo ka hor ka dhacday buuraha Calmiskaad ay waxyeello ka soo gaartay qoys reer miyi ah .
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan