Puntland oo beenisay xogtii SoDMA ee saadaasha cimilada
Puntland ayaa beenisay digniintii Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ee lagu sheegay in duufaano iyo roobab culus ay ku soo wajahan… Sii akhri
Puntland ayaa beenisay digniintii SoDMA ee ku saabsan duufaano iyo roobab culus oo ku wajahan gobollo ka tirsan Puntland.
Maxaa la shaaciyey
- Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha & Dhulka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xogta SoDMA.
- Xogta SoDMA ayaa lagu sheegay in aysan ahayn mid rasmi ah oo lagu go’aan qaadan karo.
- Puntland ayaa bulshada ku wargelisay in ay ka feejignaadaan faafinta xogo aan la hubin.
“Kadib markii la sameeyay hubin rasmi ah, waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah oo lagu go’aan qaadan karo.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan xaqiiqda cimilada si ay uga fogaadaan jahawareerka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Puntland ayaa beenisay digniintii Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ee lagu sheegay in duufaano iyo roobab culus ay ku soo wajahan yihiin gobollo ka tirsan Puntland, gaar ahaan degmooyinka Xaafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbeyla, Qardho iyo Garowe.
War-saxaafadeedka si wadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka iyo Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha & Dhulka ayaa lagu sheegay in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah oo lagu go’aan qaadan karo.
“Kadib markii la sameeyay hubin rasmi ah, waxaan xaqiijinaynaa in xogtaasi aysan ahayn mid rasmi ah oo lagu go’aan qaadan karo” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.
“Bulsho weynta reer Puntland waxaa lagu wargelinayaa in ay ka feejignaadaan faafinta xogo aan la hubin oo keeni kara cabsi iyo jahawareer bulsho” ayaa la raaciyay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan