Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

Puntland oo mowqif ka qaadatay xaaladda siyaasadeed ee Somalia.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa shaaciyey in hay’adihii dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen…

SO
Sawir war oo la xiriira Puntland oo mowqif ka qaadatay xaaladda siyaasadeed ee Somalia.
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa shaaciyey in hay’adihii dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen marxalad kala guur ah.

Maxaa la shaaciyey

  1. Puntland ayaa sheegtay in sharciyaddii hay’adaha Federaalka ay dhammaatay.
  2. Dowladda Puntland ayaa baaqday in hay’adaha caalamiga ah ay si toos ah ula shaqeeyaan Puntland.
  3. Golaha Xukuumadda Puntland ayaa cambaareeyey caga juglayn, xarig iyo barakicin lagu hayo shacabka Muqdisho.

Macnaha guud

Puntland waxay ka jawaabtay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee Soomaaliya.

Puntland waxay arrintan ku tilmaantay mid looga gol leeyahay ilaalinta hannaanka dowladnimo iyo dastuurka dalka.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland
Puntland
2026-05-22

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan mowqifka Puntland iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa shaaciyey in hay’adihii dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen…

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa shaaciyey in hay’adihii dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen marxalad kala guur ah, isla markaana ay dhammaatay sharciyaddii ay ku matalayeen shacabka Soomaaliyeed. Puntland ayaa sheegtay in inta laga qabanayo doorasho heshiis lagu yahay oo lagu soo dooranayo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, loo baahan yahay in la xaddido wada shaqeynta lala yeesho hay’adaha Federaalka.

Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah iyo deeq bixiyeyaasha inay si toos ah ula shaqeeyaan Puntland ilaa laga helayo hay’ado Federaal ah oo leh sharciyad lagu wada heshiiyey. Puntland waxay arrintan ku tilmaantay mid looga gol leeyahay ilaalinta hannaanka dowladnimo iyo dastuurka dalka.

Dhanka kale, Golaha Xukuumadda Puntland ayaa cambaareeyey waxa ay ku sheegtay caga juglayn, xarig iyo barakicin lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay sheegtay inuu masuul ka yahay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday waxgaradka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu ilaalinayo dowladnimada Soomaaliya.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralpuntlandqaadataymowqif
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.