Qaramada Midoobay oo ku baaqday iskaashi lagu xoojinayo amniga Soomaaliya
Muqdisho – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taageerada isbeddelka amniga Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo xooggan si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala dalka Soomaaliya. Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya u baahan tahay, halkaas oo ay ku kulmeen Safiirka […]

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday iskaashi caalami ah si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.
Maxaa la shaaciyey
- Qaramada Midoobay waxay muujisay in taageerada amniga Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi caalami ah.
- Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyo Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Qurat ul-Ain Sadozai, ayaa ka wada hadlay taageerada UNSOS.
- Boqortooyada Ingiriiska ayaa dib u xaqiijisay sida ay uga go'an tahay wada-shaqeynta saaxiibada caalamiga ah.
“UK ayaa sidoo kale tilmaantay in iskaashi joogto ah oo lala yeesho hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ciidamada Soomaaliya uu muhiim u yahay sidii loo taageeri lahaa “safarka Soomaaliya ee ku aaddan nabad iyo amni waara.”
Sababta ay muhiim u tahay: Taageerada amniga Soomaaliya waxay saameyn ku yeelan kartaa nabadda iyo xasiloonida dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taageerada isbeddelka amniga Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo xooggan si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala dalka Soomaaliya.
Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya u baahan tahay, halkaas oo ay ku kulmeen Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyo Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Qurat ul-Ain Sadozai.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay taageerada UNSOS ee howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya, sidoo kale waxay diiradda saareen xoojinta awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay uga mahadcelinayso UNSOS doorkeeda muhiimka ah ee ay ka qaadanayso taageerada amniga iyo howlaha nabad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay wada-shaqeynta saaxiibada caalamiga ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan