Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay dagaalka Muqdisho, kuna baaqday wada-hadal degdeg ah
Muqdisho, Soomaaliya – Qaramada Midoobey ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadal. War-saxaafadeed ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in hay’addu ay si weyn uga walaacsan tahay dagaalkii ka […]

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay dagaalka Muqdisho, kuna baaqday in colaadda la joojiyo oo wada-hadal dib loo bilaabo.
Maxaa la shaaciyey
- Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay joojiyaan colaadda.
- Hay'addu waxay sheegtay in dagaalka Muqdisho uu sababay khasaare iyo walaac amni.
- UNTMIS waxay xustay khataraha ka dhasha dib u dhac ku yimaada xaaladaha cakiran ee siyaasadeed.
Macnaha guud
Dagaalka Muqdisho ayaa ka bilowday xalay, iyadoo Qaramada Midoobey ay hore uga digtay khataraha ka dhalan kara khilaafyada siyaasadeed.
““UNTMIS waxay aad uga walaacsan tahay dagaalkii xalay ka bilowday Muqdisho, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyad leh.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan walaaca caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo xasiloonida dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Qaramada Midoobey ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadal.
War-saxaafadeed ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in hay’addu ay si weyn uga walaacsan tahay dagaalkii ka bilowday Muqdisho, kaas oo sababay khasaare iyo walaac amni.
“UNTMIS waxay aad uga walaacsan tahay dagaalkii xalay ka bilowday Muqdisho, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyad leh, ayna joojiyaan colaadda, kana fogaadaan falal kasta oo halis gelin kara nolosha dadka rayidka ah, iyadoo dib loogu laabanayo wada-hadalka si loo dhowro danta dhammaan Soomaalida,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Hay’addu waxay sidoo kale xustay inay hore uga digtay, iyada iyo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, khatarta ka dhalan karta dib ugu noqoshada xaaladihii cakirnaa ee ka dhashay khilaafkii doorashooyinka sannadkii 2021-ka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan