Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u g

SO
Sawir war oo la xiriira Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Maxaa la shaaciyey

  1. Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan ka timid Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
  2. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hambalyo u diray Danjiraha cusub, isagoo rajeeyay guul iyo in uu xoojiyo xiriirka labada dal.
  3. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale u diray hambalyo Ra’iisul Wasaare cusub ee Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle
Muqdisho
2026-05-20

Sababta ay muhiim u tahay: Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa muhiim u ah iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, taasoo saameyn ku yeelan karta xaaladaha gobolka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in uu sii adkeeyn doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo xiriirka labada dal. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka la wadaagay hambalyo uu u dirayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu Eebbe u fududeeyo shaqada culus ee markale loo igmaday.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralqaabilaycusubsoomaaliya
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.