R/W Xamza oo jawaab ka bixiyay warqaddii uu Saciid Deni u diray QM
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiRa’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka jawaabay warqaddii Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni uu u diray QM ee ku saabsan doonista Puntland ee madax-bannaanida Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madaxweynaha Puntland ayaa arrintan xasaasiga ah 24-kii bishan ku sheegay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Jérôme Bonnafont, isagoo xusay in Puntland muddo dheer ku dadaalaysay in Soomaaliya lagu dhiso nidaam federaal ah oo nabdoon, balse ay aaminsan tahay in geeddi-socodkii dowlad-dhisidda uusan u hirgelin sidii la filayay.
- Puntland ayaa warqadda ku sheegtay in qaybo ka mid ah shacabkeeda ay ku cadaadinayaan inay qaadaan waddo madax-bannaani ah, iyadoo sidoo kale ka cabatay iskaashi la’aan ay kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
- “Puntland waxay wajahaysaa cadaadis kaga imanaya shacabka oo doonaya madax-bannaani buuxda ay kaga go’aan Federaalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Saciid Cabdullaahi Deni.
- Intaas kadib, waxaa maanta soo jawaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo shaaca ka qaaday in aan marna la aqbali doonin in la kala gooyo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madax-bannaanida dalka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Puntland ay qaadi doonto ka dib markii Dowladda Federaalka ay qaadatay mowqifkeeda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aanay marna aqbali doonin in la kala gooyo bulshada Soomaaliyeed.
- Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in qaybo ka mid ah shacabkeeda ay ku cadaadinayaan inay qaadaan waddo madax-bannaani ah.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay haatan ka dhexeeyaan khilaaf xooggan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta jawaab kulul siiyay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo dhowaan Qaramada Midoobay u diray warqad uu ku muujiyay doonista Puntland ee ka go’itaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa arrintan xasaasiga ah 24-kii bishan ku sheegay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Jérôme Bonnafont, isagoo xusay in Puntland muddo dheer ku dadaalaysay in Soomaaliya lagu dhiso nidaam federaal ah oo nabdoon, balse ay aaminsan tahay in geeddi-socodkii dowlad-dhisidda uusan u hirgelin sidii la filayay.
Puntland ayaa warqadda ku sheegtay in qaybo ka mid ah shacabkeeda ay ku cadaadinayaan inay qaadaan waddo madax-bannaani ah, iyadoo sidoo kale ka cabatay iskaashi la’aan ay kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Puntland waxay wajahaysaa cadaadis kaga imanaya shacabka oo doonaya madax-bannaani buuxda ay kaga go’aan Federaalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Saciid Cabdullaahi Deni.
Intaas kadib, waxaa maanta soo jawaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo shaaca ka qaaday in aan marna la aqbali doonin in la kala gooyo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madax-bannaanida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Saciid Deni, isaga oo u sheegay in hadallada noocaas ah aysan ku habboonayn, loona baahan yahay in laga fogaado hadallada sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed.
“Saciidow, kuuma habbooneyn in aad ku qeyliso kala goynta shacabka Soomaaliyeed, taasi waa mid ku xusnaan doonta sooyaalkaaga,” ayuu ku jawaabay Ra’iisul wasaaruhu.
Hadalkan ayuu Xamza maanta ka sheegay furitaanka Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay qabanayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, kaas oo ay ka qeyb-galeen boqolaal kamid ah bulshada caasimada, iyadoo lagu soo bandhigay raasumaalka dalxiiska dalkeenna.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf xooggan oo soo maray marxalado kala duwan, isla markaana saameeyay wada shaqeyta labada dhinac, maadaama ay kala furteen Muqdisho iyo Garoowe.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka jawaabay warqaddii Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni uu u diray QM ee ku saabsan doonista Puntland ee madax-bannaanida Soomaaliya. Xamza ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada bulshada Soomaaliyeed.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka jawaabay warqaddii Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni uu u diray QM ee ku saabsan doonista Puntland ee madax-bannaanida Soomaaliya.
- Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aanay marna aqbali doonin in la kala gooyo bulshada Soomaaliyeed.
- Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in qaybo ka mid ah shacabkeeda ay ku cadaadinayaan inay qaadaan waddo madax-bannaani ah.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay haatan ka dhexeeyaan khilaaf xooggan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo ku saabsan hadallada Xamza.
- Eedeymaha ku saabsan cadaadiska ka imanaya shacabka Puntland ee madax-bannaanida ayaa lagu soo bandhigay iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan nooca khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.
Gunaanadka akhristaha
Khilaafka socda ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa muujinaya caqabadaha horyaalla nidaamka federaalka Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Puntland ay qaadi doonto ka dib markii Dowladda Federaalka ay qaadatay mowqifkeeda?
- Sidee ayey bulshada caalamka uga falcelin doontaa khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka nidaamka federaalka Soomaaliya haddii Puntland ay raacdo madax-bannaanida?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · saciid · diray · jawaab