Sacuudiga oo dil ku fuliyay nin iyo haweeney fal anshax-darro ah ka gaystay Makka
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiSacuudi Carabiya ayaa dil ku fulisay nin iyo haweeney u dhashay dalka Bangladesh kadib markii ay fal anshax-darro ah ka geysteen Makka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayXukunka ayaa dhaqan galay kadib markii ay ansixiyeen hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, isla markaana uu soo baxay amar boqortooyo oo lagu fulinayo.
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in labada qof, oo lagu kala magacaabo Nasrul Islam Abdul Basir iyo Siti Akhtar, la dilay Arbacadii, 14-kii October, kadib markii uu soo dhammaaday hannaankii garsoorka ee kiiskooda.
- Sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay labada qof, waxaana baaritaan lagu sameeyay kadib loo gudbiyay maxkamad, taas oo ku heshay dambigii lagu soo oogay.
- Maxkamadda ayaa ku xukuntay dil nooca loo yaqaan Tacsiir, oo ah ciqaab uu garsooruhu go’aamiyo iyadoo lagu saleynayo shareecada Islaamka iyo culayska dambiga.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay ahayd dambiga gaarka ah ee ay labada qof geysteen?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xukunka dilka ah ayaa dhaqan galay kadib markii ay ansixiyeen hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh.
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in xukunka dilka ah lagu saleeyay halista falka ay labada qof ku kaceen iyo sida uu uga hor imaanayo xurmada masaajidka.
- Qunsuliyadda Bangladesh ee magaalada Jeddah ayaa sheegtay in aan hore loogu wargelin dilka muwaadiniinteeda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Makka (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay nin iyo haweeney u dhashay dalka Bangladesh, kadib markii maxkamad ay ku heshay dambi la xiriira fal anshax-darro ah oo ay ka dhex geysteen masaajid ku yaalla magaalada barakeysan ee Makka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in labada qof, oo lagu kala magacaabo Nasrul Islam Abdul Basir iyo Siti Akhtar, la dilay Arbacadii, 14-kii October, kadib markii uu soo dhammaaday hannaankii garsoorka ee kiiskooda.
Sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay labada qof, waxaana baaritaan lagu sameeyay kadib loo gudbiyay maxkamad, taas oo ku heshay dambigii lagu soo oogay.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay dil nooca loo yaqaan Tacsiir, oo ah ciqaab uu garsooruhu go’aamiyo iyadoo lagu saleynayo shareecada Islaamka iyo culayska dambiga.
Wasaaradda ayaa sheegtay in xukunka dilka ah lagu saleeyay halista falka ay labada qof ku kaceen iyo sida uu uga hor imaanayo xurmada masaajidka iyo waqtiga uu dhacay.
Xukunka ayaa dhaqan galay kadib markii ay ansixiyeen hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, isla markaana uu soo baxay amar boqortooyo oo lagu fulinayo.
Hase yeeshee, dowladda Sacuudiga ma aysan shaacin faahfaahinta rasmiga ah ee falka ay labada qof geysteen, masaajidka uu ka dhacay iyo xilliga la xiray.
Dhanka kale, qunsuliyadda Bangladesh ee magaalada Jeddah ayaa sheegtay in aan hore loogu wargelin dilka muwaadiniinteeda, isla markaana ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ka dalbatay xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan dhacdada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa bayaankeeda ku adkeysatay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta amniga, hirgelinta caddaaladda iyo dhowrista xurmada masaajidda.
Waxay sidoo kale ka digtay in cid kasta oo ku kacda falal noocan oo kale ah ay wajihi doonto ciqaab adag oo waafaqsan shuruucda iyo shareecada ka dhaqan gasha boqortooyada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Sacuudi Carabiya ayaa dil ku fulisay nin iyo haweeney u dhashay dalka Bangladesh kadib markii ay fal anshax-darro ah ka geysteen Makka. Xukunka dilka ah ayaa dhaqan galay kadib markii ay ansixiyeen hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh.
Qodobada muhiimka ah
- Sacuudi Carabiya ayaa dil ku fulisay nin iyo haweeney u dhashay dalka Bangladesh kadib markii ay fal anshax-darro ah ka geysteen Makka.
- Xukunka dilka ah ayaa dhaqan galay kadib markii ay ansixiyeen hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh.
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in xukunka dilka ah lagu saleeyay halista falka ay labada qof ku kaceen iyo sida uu uga hor imaanayo xurmada masaajidka.
- Qunsuliyadda Bangladesh ee magaalada Jeddah ayaa sheegtay in aan hore loogu wargelin dilka muwaadiniinteeda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan dambiga gaarka ah ee la geystay.
- Dowladda Sacuudiga ma aysan shaacin faahfaahinta rasmiga ah ee dhacdada.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid mas'uuliyiinta Sacuudiga ee ku saabsan eedeymaha qunsuliyadda.
Gunaanadka akhristaha
Dilku wuxuu muujinayaa sida adag ee shuruucda looga dhaqmo Sacuudiga marka ay timaado anshaxa bulshada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay ahayd dambiga gaarka ah ee ay labada qof geysteen?
- Maxay yihiin duruufaha keenay in la xirayo?
- Maxaa sababay in qunsuliyadda aan hore loogu wargelin ka hor dilka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · haweeney · nin · anshax