Salaam African Bank Group oo xarigga ka jaray mashruuc Kayd shidaal ah oo laga hir galinayo Dalka Jabuuti
May 12(Jowhar)Shirkadda Fuelstor oo hoos timaada shirkadaha Salaam Group ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay dhismaha xarun weyn oo kaydinta shidaalka iyo badeecooyinka kala duwan ah oo laga hirgelinayo deegaanka Damerjog ee dalka Djibouti. Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha tamarta iyo saadka gobolka Geeska Afrika. Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka […]

Shirkadda Fuelstor oo hoos timaada Salaam Group ayaa maanta daahfurtay mashruuc kaydinta shidaalka oo ku yaal Damerjog, Jabuuti, kaasoo ku kacaya 160 milyan oo doollar.
Maxaa la shaaciyey
- Mashruuca ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha tamarta iyo saadka gobolka Geeska Afrika.
- Xarunta ayaa qaadi doonta ilaa 400,000 oo metric ton oo shidaal ah, taasoo ka dhigeysa Jabuuti xarun muhiim ah.
- Mashruucan ayaa sidoo kale fududeyn doona isku socodka shidaalka iyo badeecooyinka muhiimka ah ee loo gudbinayo Itoobiya.
“Mashruucani uu yahay tallaabo weyn oo horumarineed, islamarkaana uu Djibouti ka dhigayo marin muhiim u ah isku xirka suuqyada caalamka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Mashruucan ayaa kor u qaadaya dhaqaalaha Jabuuti iyo isku xirka ganacsiga gobolka, taasoo muhiim u ah Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 12(Jowhar)Shirkadda Fuelstor oo hoos timaada shirkadaha Salaam Group ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay dhismaha xarun weyn oo kaydinta shidaalka iyo badeecooyinka kala duwan ah oo laga hirgelinayo deegaanka Damerjog ee dalka Djibouti. Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha tamarta iyo saadka gobolka Geeska Afrika.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo shirkado caalami ah, kuwaas oo sheegay in mashruucan uu sare u qaadayo isku xirka ganacsiga gobolka iyo xasilloonida sahayda tamarta ee Bariga Afrika.
Dhaqaalaha ku baxaya hir gelinta masharucaan ayaa gaaraysa ku dhowaad 160 milyan oo doollar, iyadoona taas ka turjumaysa qorshaha fog ee ay Salaam Group ku taageereyso maalgashiga kaabeyaasha muhiimka ah, si loo xoojiyo ganacsiga, koboca warshadaha iyo casriyeynta isku socodka badeecooyinka.
Xaruntan oo ku fadhin doonta dhul dhan 22 hektar ayaa loogu talagalay kaydinta, ganacsiga iyo dib-u-qaybinta shidaalka, gaaska LPG iyo saliidaha cuntada. Waxaa la filayaa inay qaadi karto ilaa 400,000 oo metric ton, taasoo ka dhigeysa Jabuuti xarun muhiim ah oo isku xirta suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan