Saraakiishii ugu badneyd oo kusii qulqulaya Baydhabo + Ujeedka
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qulqulayo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka kuwaas oo ka qayb-qaadanaya howlaha sugidda amniga ee magaaladaasi. Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, iyadoo garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ay kusoo dhaweeyeen Kaaliyaha Taliska Dhulka Jen

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kusii qulqulay Baydhabo si ay uga qayb qaataan howlaha sugidda amniga magaalada.
Maxaa la shaaciyey
- Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana soo dhaweeyay Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil kale.
- Ujeedka saraakiishan ayaa ah inay ka qayb qaataan xoojinta amniga magaalada oo lagu qabanayo doorashada gudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa arrimaha Koonfur Galbeed, iyadoo magacaawday Gaashaanle Dhexe Cabdulle Isaaq Ibraahim taliyaha cusub ee guutada 8-aad.
Macnaha guud
Saraakiisha ayaa ka baxay Muqdisho si ay uga qayb qaataan xoojinta amniga Baydhabo ka hor doorashada.
“Baydhabo, waxaa haatan ku sugan ciidamo isugu jira qaybta Taliska 60-aad, Kumaandooska Gorgor iyo kuwo Booliis ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda amni ee Baydhabo iyo doorashada soo socota.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qulqulayo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka kuwaas oo ka qayb-qaadanaya howlaha sugidda amniga ee magaaladaasi.
Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa maanta gaaray Baydhabo, iyadoo garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ay kusoo dhaweeyeen Kaaliyaha Taliska Dhulka Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil kale oo ka tirsan qaybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga.
Ujeedka saraakiishan oo ka baxay Muqdisho ayaa ah inay kaalintooda ka qaataan xoojinta amniga magaalada oo lagu qabanayo doorashada gudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale, Janaraal Maadey Nuurey ayaa lagu wadaa inuu qayb ka noqdo kulamada ka socda magaalada ee looga hadlayo xasilinta iyo howlaha doorashooyinka, maadaama uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan