Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Sawirro: Isbitaalka DALMAR oo ka qeyb galay bandhigga Kulmis ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaalka Takhasusiga ah ee Dalmar ayaa door muuqda ka qaatay Bandhigga Waxbarashada KULMIS, oo sannadkan ay soo qabanqaabiyeen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir. Bandhigga ayaa ahaa kulan ballaaran oo loogu talagalay dhiirrigelinta, jiheynta iyo wacyigelinta ardayda fasalka 12-aad ee isu diyaarinaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka. Bandhiggan, oo ka dhaca

SO
Sawir war oo la xiriira Sawirro: Isbitaalka DALMAR oo ka qeyb galay bandhigga Kulmis ee Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Akhris kooban

Macnaha qormada

Maxaa dhacay

  • Maqaalku wuxuu sheegayaa in Isbitaalka Dalmar uu ka qeyb galay Bandhigga Waxbarashada KULMIS ee Muqdisho, kaas oo loogu talagalay in lagu jiheeyo ardayda fasalka 12-aad ee isu diyaarinaya Imtixaanka Qaranka.

Qodobada muhiimka ah

  • Isbitaalka Dalmar ayaa door muuqda ka qaatay Bandhigga KULMIS oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.
  • Munaasabadda ayaa ardayda siisay xog muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalkooda waxbarasho iyo caafimaad.
  • Wasiirka Waxbarashada ayaa ku dhawaaqay in Imtixaanka Qaranka ee fasalka 12-aad uu si rasmi ah u bilaaban doono 20-ka bisha Juun.
  • Isbitaalka Dalmar ayaa bandhigga ku soo bandhigay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah.

Xaddidaadda isha

  • Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira dhacdada.
  • Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada kale ama ururada ka qeyb qaatay bandhigga.
  • Faahfaahinta ku saabsan tirada ardayda ama adeegyada gaarka ah ee Isbitaalka Dalmar ma ahan kuwo la xaqiijiyay.

Gunaanadka akhristaha

Akhristayaasha waa in ay ogaadaan ka qeybgalka Isbitaalka Dalmar ee dadaallada waxbarasho iyo imtixaanka Qaranka ee soo socda.

Waxa weli aan caddayn

  • Maxay yihiin adeegyada caafimaad ee gaarka ah ee Isbitaalka Dalmar uu bixiyay inta lagu guda jiray bandhigga?
  • Immisa arday ayaa ka qeyb galay Bandhigga Waxbarashada KULMIS?
  • Maxay ardayda iyo ka qeybgalayaasha kale ka yiraahdeen munaasabadda?

Sababta ay muhiim u tahay

Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaalka Takhasusiga ah ee Dalmar ayaa door muuqda ka qaatay Bandhigga Waxbarashada KULMIS, oo sannadkan ay soo qabanqaabiyeen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir. Bandhigga ayaa ahaa kulan ballaaran oo loogu talagalay dhiirrigelinta, jiheynta iyo wacyigelinta ardayda fasalka 12-aad ee isu diyaarinaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka.

Bandhiggan, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay boqollaal arday oo ka kala socday dugsiyada sare ee gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale goobta joogay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, jaamacado, isbitaallo, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka ayaa noqday madal ay ardaydu ka heleen xog muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalkooda waxbarasho iyo caafimaad.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah uga hadashay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Nuuro Mustaf Mukhtar, oo ku dhawaaqday in Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad uu si rasmi ah u bilaaban doono 20-ka bisha Juun ee soo socota. Waxay ardayda ku boorrisay inay muujiyaan dadaal, kalsooni iyo diyaar-garow wanaagsan si ay ugu guuleystaan himilooyinkooda waxbarasho.

Intii uu socday Bandhigga KULMIS, ardayda waxaa la siiyay talooyin wax ku ool ah, tusaalooyin iyo tacliimaad la xiriira habka ugu wanaagsan ee loogu diyaar-garoobi karo imtixaanka qaranka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda dadaalka, anshaxa, maamulka waqtiga, caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka jirka ee ardayga, maadaama guusha waxbarashadu aanay ku xirnayn akhris oo keliya, balse ay sidoo kale la xiriirto caafimaad iyo degganaansho guud.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralbandhiggadalmarisbitaalka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.