Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul uga hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

Jun 03(Jowhar)-Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kala gaar gaar ah uga hadlay dagaalkii ka dhacay maanta degmada Howlwadaag iyagoo ku eedeyay dowlada federalka inay ka dambeysay dagaalka. Qoraal kooban oo bartiisa Facebook soo dhigey Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha [&#

SO
Sawir war oo la xiriira Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul uga hadlay dagaalka ka dhacay
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Howlwadaag ee Muqdisho.

Maxaa la shaaciyey

  1. Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh inuu ka dambeeyay weerar lagu qaaday Xasan Cali Kheyre.
  2. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dagaalku sababay barakaca boqolaal qoys oo ku noolaa degmooyinka Howlwadaag iyo Hodon.
  3. Labada siyaasi ayaa ku baaqay in ciidamada ammaanka ay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda.

Macnaha guud

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xilli ay socdeen shirar nabadeed oo ay qabanayeen odayaasha dhaqanka.

Weerarkan ma baajin doono bannaabaxyada bulshada caasimadda ay ku diidanyihiin dulmiga.

Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Muqdisho, degmada Howlwadaag
2026-06-03

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda amni ee Muqdisho iyo eedeymaha siyaasadeed ee ka dhashay dagaalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

Jun 03(Jowhar)-Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kala gaar gaar ah uga hadlay dagaalkii ka dhacay maanta degmada Howlwadaag iyagoo ku eedeyay dowlada federalka inay ka dambeysay dagaalka.

Qoraal kooban oo bartiisa Facebook soo dhigey Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Sheekh inuu ka dambeeyay weerar uu sheegay in lagu qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaaday Raiisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre xilli uu shir kula jiray ugaaska beesha Murusade Ugaasi cabdirisaaq Ugaas cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo waxgarad kale.”ayuu qoraalkiisii ku yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Weerarkan wuxuu qayb ka yahay ficillada Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo inuu dhiig badan ku daadiyo isagoo aan haysan muddo xileed rasmi ah, wakhtigiisuna uu dhammaaday.”ayuu sii raaciyay.

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralcabdiraxmaanaxmeddagaalka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.