Shir Looga Hadlay Amniga Gobolka Bay oo Saraakiisha Ammaanka Ku Yeeshay Baydhabo
Bay – Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xuseen Aadan (Ciro), ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee ka howlgala gobolkaasi. Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bay, [&

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Bay – Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xuseen Aadan (Ciro), ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee ka howlgala gobolkaasi.
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bay, Taliyaha Qeybta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Bay, Taliyaha Asluubta gobolka Bay iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga gobolka Bay, xoojinta wada shaqeynta ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo Al-Shabaab..
Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa saraakiisha ku bogaadiyay doorkooda ku aaddan sugidda amniga, isagoo ku adkeeyay in la laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan