Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ka dhacaya Muqdisho
Muqdisho — Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka siyaasadeed iyo beesha caalamka, iyadoo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan muddo xileedka dowladdu ku howlan tahay iyo arrimaha siyaasadda dalka. Shirkan ayaa imanaya xilli ay jiraan ismaan dhaaf siyaasadeed […]

Shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka siyaasadeed, iyo beesha caalamka ayaa maanta ka furmaya Muqdisho.
Maxaa la shaaciyey
- Shirkan ayaa lagu doonayaa in lagu xalliyo khilaafka ka taagan muddo xileedka dowladdu ku howlan tahay.
- Dowladda Federaalka waxaa ku matalaya Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Jaamac.
- Mucaaradka waxaa matalaya Madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Macnaha guud
Shirkan ayaa imanaya xilli ay jiraan ismaan dhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Samata-bixinta Soomaaliya.
“Kulankan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Shirkan ayaa muhiim u ah mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka siyaasadeed iyo beesha caalamka, iyadoo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan muddo xileedka dowladdu ku howlan tahay iyo arrimaha siyaasadda dalka.
Shirkan ayaa imanaya xilli ay jiraan ismaan dhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Samata-bixinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira habraaca doorashooyinka iyo hannaanka iyo Datuurkii hore oo ay dowlada laashay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Jaamac.
Dhinaca mucaaradka, waxaa matalaya Madaxweynihii hore ee dalka, Sharif Sheikh Ahmed, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Xoghayaha Golaha Samata-bixinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan