Sidee Ilhaan Cumar uga falcelisay baaritaankii lagu sameeyey gurigeeda
Waxa dhacay
30 ilbiriqsiIlhaan Cumar ayaa dhaleeceysay baaritaanka federaalka ee gurigeeda, iyadoo ku tilmaantay mid ku saleysan xurguf siyaasadeed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaDoorashooyinka muddada dhexe ayaa la filayaa inay dhacaan saddex toddobaad gudahood.
- Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku tilmaantay baaridda ay saraakiisha federaalku ka sameeyeen gurigeeda Washington, D.C. "isku day lagu bartilmaameedsanayo cadaw siyaasadeed iyo hub ka dhigashada hay'adaha fulinta sharciga federaalka."
- "Waan fiicanahay.
- Xafiiskeeda ayaa isagana soo saaray qoraal uu kaga hadlayo baaritaanka.
Sida ay sheegtay BBC Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee lagu baarayo Ilhaan Cumar?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa baaritaanka federaalka ee gurigeeda ku tilmaantay mid ku saleysan xurguf siyaasadeed.
- Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in baaritaanku yahay isku day lagu beegsanayo siyaasaddeeda.
- Waaxda Cadaaladda ayaa xaqiijisay in baaritaan dambiyeed federaal ah uu socdo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Sidee Ilhaan Cumar uga falcelisay baaritaankii lagu sameeyey gurigeeda
Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku tilmaantay baaridda ay saraakiisha federaalku ka sameeyeen gurigeeda Washington, D.C. "isku day lagu bartilmaameedsanayo cadaw siyaasadeed iyo hub ka dhigashada hay'adaha fulinta sharciga federaalka." Xildhibaanaddan Soomaali-Ameerikaanka ah waa qof si weyn u dhaleeceeya Madaxweyne Donald Trump, waxaana hore loogu soo oogay aflagaado.
"Waan fiicanahay. Ha ka shakin arrintan: waa isku-day lagu beegsanayo cadow siyaasadeed, laguna adeegsanayo hay'adaha sharci fulinta ee heer federaal sidii hub oo kale. Muddo toban sano ah, Trump wuxuu ila beegsanayey been aan sal iyo raad lahayn iyo ololeyaal sumcad-dilid ah. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee sii xoojinaysa ololihiisa cabsi-gelinta siyaasadeed. Afka layma qaban doono" ayey Ilhaan ku qortay barteeda X.
Xafiiskeeda ayaa isagana soo saaray qoraal uu kaga hadlayo baaritaanka.
"Hujuumkan ay qaadeen DHS-ka Trump waa ku takrifal awoodeed oo aad u xun iyo sare u kac aan horay loo arag oo ku yimid hub ka dhigashada hay'adaha fulinta sharciga federaalka si ay u bartilmaameedsadaan cadawga siyaasadeed. Toban sano, Donald Trump wuxuu si aan kala joogsi lahayn u bartilmaameedsanayay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka isagoo adeegsanaya hadallo kicin ah, isagoo si isdaba joog ah u bartilmaameedsanaya.
Hadda, weerarradaasi waxay u gudbeen weerarro federaal ah oo aan micno lahayn. Ilhaan wax khalad ah ma samayn.
Ma jiro madaxweyne awood u leh inuu isticmaalo awoodda dowladda federaalka si uu u cabsi geliyo cadawgiisa siyaasadeed" ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhanka Kalena, Alexandria, Ocasio-Cortez oo ay saaxiibbo iyo xulafo siyaasadeed yihiin Ilhaan ayaa barteeda X ku qortay qoraal kooban oo ay ku barbar istaagayso Ilhaan.
"Muddo sannado ah, maamulka Trump wuxuu weerarro sumcad dil ah ku hayay Xildhibaan Omar. Subaxnimadan, maamulku wuxuu u diray saraakiil heer federaal ah inay galaan gurigeeda. Ma aqbali karno, mana aqbali doonno xadgudubkan awoodda ee aan hore loo arag. Waxaan garab taaganahay Ilhaan" ayey ku tiri qoraalkeeda.
Afhayeen u hadlay Waaxda Caddaaladda ayaa u sheegay majallada TIME: "Maanta, aagga Washington, D.C., ayaa qaybta Baaritaannada Amniga Gudaha waxay fuliyeen amar maxkamadeed oo lagu baarayo goob, kaas oo ay soo heshay Waaxda Caddaaladdu. Hawlgalkan fulinta sharciga ah waa qayb ka mid ah baaritaan dambiyeed heer federaal ah oo socda." Lama bixin faahfaahin dheeraad ah.
Golaha Congress-ka Mareykanka ayaan hadda ku jirin xilliga shaqada caadiga ah, mana cadda in Ilhaan Cumar ay guriga joogtay xilligii baaritaanka la sameynayay.
Baaritaanka ayaa ku soo beegmaya ku dhawaad hal bil ka dib markii Tom Homan oo ah madaxa ilaalinta xuduudaha uu xaqiijiyay baaritaanka dambiyada federaalka ee ku lug leh Ilhaan Cumar.
"Haddii qof uu galo xadgudub dhanka socdaalka ah, haddii qof uu sameeyo khiyaano guurka ama wax la mid ah, iyada oo aan loo eegin haddii u xubin ka yahay congress-ka ama uusan ka mid ahayn, qofna kama sarreeyo sharciga. Markaa, waan ka tagayaa taas. Waxaan u ogolaan doonaa HSI (Waaxda amniga gudaha), inay sii wadaan baaritaanka" ayuu yiri Homan oo u waramayey warbaahinta Fox News.
DOJ (Waaxda cadaaladda) badanaa ma qaaddo tallaabooyin waaweyn oo ka dhan ah musharixiinta xilalka u tartamaya 60ka maalmood ee ka horreeya doorashooyinka. Doorashooyinka muddada dhexe ayaa la filayaa inay dhacaan saddex toddobaad gudahood.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay baaritaanka federaalka ee gurigeeda, iyadoo ku tilmaantay mid ku saleysan xurguf siyaasadeed. Waxay sheegtay in baaritaanku yahay isku day lagu beegsanayo siyaasaddeeda iyadoo la adeegsanayo hay'adaha fulinta sharciga federaalka.
Qodobada muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa baaritaanka federaalka ee gurigeeda ku tilmaantay mid ku saleysan xurguf siyaasadeed.
- Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in baaritaanku yahay isku day lagu beegsanayo siyaasaddeeda.
- Waaxda Cadaaladda ayaa xaqiijisay in baaritaan dambiyeed federaal ah uu socdo.
- Alexandria Ocasio-Cortez ayaa muujisay taageerada ay u hayso Ilhaan Cumar ee ku saabsan baaritaanka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ay soo jeedisay Ilhaan Cumar.
- Faahfaahinta ku saabsan nooca baaritaanka federaalka ma ahan mid si buuxda loo shaaciyey.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya hay'adaha federaalka ee ku lugta leh baaritaanka.
Gunaanadka akhristaha
Jawaabta Ilhaan Cumar ee baaritaanka federaalka ayaa muujinaysa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Maraykanka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee lagu baarayo Ilhaan Cumar?
- Sidee baaritaankan u saameyn doonaa xirfadda siyaasadeed ee Ilhaan Cumar?
- Maxay yihiin cawaaqibka baaritaannada federaalka ee musharixiinta siyaasadeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- BBC Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: world · general · ilhaan · sameeyey · gurigeeda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada