Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Goobjoog Somalieconomy

Soomaaliya: Kobaca Dhaqaalaha oo Hoos u dhacay 3% Sanadka 2025

Bangiga Adduunka ee World Bank ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos ugu dhacay 3% sanadkan 2025, halka uu ahaa ku dhowaad 4% sanadihii 2023 iyo 2024. Warbixinta 11-aad…

SO
Soomaaliya: Kobaca Dhaqaalaha oo Hoos u dhacay 3% Sanadka 2025
Sawir / xog muuqaal ah · Goobjoog Somali

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos ugu dhacay 3% sanadkan 2025.

Maxaa la shaaciyey

  1. Hoos u dhaca dhaqaalaha ayaa sababay yaraanta taageerada bani’aadannimo iyo tan amniga.
  2. Sicir bararka ayaa gaaray 3.7% sanadkan 2025, halka uu ahaa 3.3% sanadkii hore.
  3. Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu gaari doono 2.8% sanadka 2026.

Macnaha guud

Hoos u dhaca dhaqaalaha ayaa la xiriira dhibaatooyinka is biirsaday ee saameynaya nolosha shacabka.

Soomaaliya ay horumar ka sameysay maamulka dhaqaalaha inkastoo ay jiraan duruufo adag.

Hideki Matsunaga, Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya
Soomaaliya
2025

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan saameynta dhaqaale ee ku saabsan noloshooda maalinlaha ah.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Goobjoog Somali

Bangiga Adduunka ee World Bank ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos ugu dhacay 3% sanadkan 2025, halka uu ahaa ku dhowaad 4% sanadihii 2023 iyo 2024.

Warbixinta 11-aad ee “Somalia Economic Update” ayaa lagu sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha uu sababay yaraanta taageerada bani’aadannimo iyo tan amniga, saameynta abaarta ee beeraha iyo nolosha shacabka, iyo sare u kaca qiimaha nolosha oo yareeyay awoodda wax iibsiga dadka.

Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga, ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay maamulka dhaqaalaha inkastoo ay jiraan duruufo adag, balse dhibaatooyinka is biirsaday ay cadaadis ku saarayaan shaqooyinka iyo nolol maalmeedka shacabka.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in sicir bararku uu gaaray 3.7% sanadkan 2025, halka uu ahaa 3.3% sanadkii hore, iyadoo kororka qiimaha cunnada, gaadiidka iyo adeegyada korontada ay ugu weyn yihiin sababaha.

Isha: Goobjoog Somali. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Goobjoog Somali
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliaeconomyeconomysoomaaliyakobaca
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.