Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Soomaaliya oo Cambaaraysay Weerar Gantaallo ah oo Lala Beegsaday Kuwait

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday oo lala beegsaday dalka Kuwait, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka dalkaas. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda [&#8230

SO
Soomaaliya oo Cambaaraysay Weerar Gantaallo ah oo Lala Beegsaday Kuwait
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday oo lala beegsaday dalka Kuwait, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka dalkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u taageersan tahay madaxbannaanida, amniga, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee Dowladda Kuwait.

Qoraalka ayaa lagu xusay in weerarrada noocan oo kale ah ay khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, isla markaana ay si cad uga hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale adkaysay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Kuwait xilligan adag, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo dadaallada diblumaasiyadeed, is-xakamaynta iyo wada-hadallada si looga hortago in xaaladdu kasii darto.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralgantaallokuwaitcambaaraysay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.