Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Qaabilay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka
Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim iyo wafdi ay hoggaaminayso. Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maxamed Haaruun, Agaasimaha Guud Mustafe Axmed, iyo xubno kale oo ka tirsan komishinka [&

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliska iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka.
- Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
- Waxaa la falanqeeyay ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla xisaabtanka, iyo kormeerka xabsiyada.
“Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa hay'adaha amniga iyo xuquuqda aadanaha si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maxamed Haaruun, Agaasimaha Guud Mustafe Axmed, iyo xubno kale oo ka tirsan komishinka guddiga.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliska iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla xisaabtanka, qabashada cabashooyinka, iyo kormeerka xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo.
Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo la dhowrayo sharciga iyo xuquuqda aadanaha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan