Tallaabo uu qaaday wiilka Erdogan oo dhalisay hadal hayn ku saabsan madaxweynenimo
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiNajmudiin Bilal Erdogan, oo ah wiilka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqasho saddex maalmood ah ku jooga Lubnaan halkaas oo uu kulamo heer sare ah kula yeeshay madaxda siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha diimaha.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinWuxuu halkaas mar kale ku baaqay in Turkiga, Lubnaan iyo Suuriya ay xoojiyaan xiriirkooda, isaga oo sheegay in dalalka gobolka ay mudnaanta siiyaan xasilloonida iyo wanaagga deriskooda.
- Booqashada ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeeddadeeda, maadaama Bilal Erdogan uusan wax xil rasmi ah ka hayn dowladda Turkiga, balse uu la kulmay mas’uuliyiinta ugu sarreysa Lubnaan xilli ay xiisado ka jiraan gobolka.
- “Booqashadu waa mid bulsho iyo dhaqaale,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Lubnaan u sheegay Middle East Eye.
- Sarkaalku wuxuu sheegay in booqashada lala isku dubbariday dowladda Lubnaan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo kulamada Bilal Erdogan ee Lubnaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Booqashada ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeeddadeeda, maadaama Bilal Erdogan uusan wax xil rasmi ah ka hayn dowladda Turkiga.
- Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Lubnaan u sheegay Middle East Eye in booqashadu tahay mid bulsho iyo dhaqaale.
- Bilal Erdogan ayaa Lubnaan ku tegay martiqaad uu ka helay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaas, Tarek Mitri, oo qaabilsan xiriirka ay Beirut la leedahay Ankara iyo Dimishiq.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beirut (Caasimada Online) – Najmudiin Bilal Erdogan, oo ah wiilka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqasho saddex maalmood ah ku jooga Lubnaan, halkaas oo uu kulamo heer sare ah kula yeeshay madaxda siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha diimaha.
Booqashada ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeeddadeeda, maadaama Bilal Erdogan uusan wax xil rasmi ah ka hayn dowladda Turkiga, balse uu la kulmay mas’uuliyiinta ugu sarreysa Lubnaan xilli ay xiisado ka jiraan gobolka.
“Booqashadu waa mid bulsho iyo dhaqaale,” ayuu sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Lubnaan u sheegay Middle East Eye. “Erdogan wuxuu la yimid ganacsato iyo hay’ado Turki ah, wuxuuna u yimid inuu farriin taageero ah gaarsiiyo Lubnaan.”
Sarkaalku wuxuu sheegay in booqashada lala isku dubbariday dowladda Lubnaan.
Bilal Erdogan ayaa Lubnaan ku tegay martiqaad uu ka helay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaas, Tarek Mitri, oo qaabilsan xiriirka ay Beirut la leedahay Ankara iyo Dimishiq.
Wuxuu la kulmay madaxweyne Joseph Aoun, guddoomiyaha baarlamaanka Nabih Berri, guddoomiye ku-xigeenka Dhaqdhaqaaqa Mustaqbalka Bahia Hariri iyo hoggaamiyaha Druze-ka Walid Jumblatt, oo hore u hoggaamin jiray Xisbiga Hantiwadaagga Horusocodka.
Sida uu sheegay sarkaalka la hadlay Middle East Eye, kulamada waxaa looga hadlay mashaariic ay iska kaashan karaan shirkadaha iyo hay’adaha Turkiga iyo kuwa dowladda Lubnaan, gaar ahaan gaadiidka, ganacsiga iyo dhoofinta.
“Kulan kasta oo uu yeeshay wuxuu uga digay Israa’iil iyo khatarta ay ku hayso Lubnaan iyo Suuriya, wuxuuna adkeeyey doorka Turkiga ee isku xirka labada dal,” ayuu sarkaalku yiri.
Madaxweyne mustaqbal?
Qaar ka mid ah dadka gobolka ayaa Bilal Erdogan u arka nin mustaqbalka beddeli kara aabbihii. Hase yeeshee, ilo ku dhow oo la hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in safarkan aanu lahayn macne siyaasadeed, uuna qeyb ka yahay booqashooyin badan oo uu sannadihii dambe ku tegay dalalka gobolka iyo meelo kale.
Bilal Erdogan wuxuu horraantii bishan booqday Tokyo, halka uu sannadkan tegay Suuriya. Wuxuu sidoo kale safarro uu isagu abaabulo ku tagaa Yurub, Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Aasiya.
Wafdigiisa waxaa ka mid ahaa Selim Argun, madaxa Machadka Yunus Emre, oo dunida ka faafiya afka, fanka iyo hiddaha Turkiga. Joogitaanka Argun ayaa lagu sheegay mid muujinaya dhinaca dhaqan ee booqashada.
Safarka ayaa kusoo beegmaya xilli Ankara ay dooneyso inay door weyn ka qaadato Lubnaan, iyadoo xoojinaysa xiriirka siyaasadeed, taageeraysa hagaajinta xiriirka Beirut iyo Dimishiq, isla markaana bixineysa kaalmo farsamo iyo mid dhaqaale.
Reuters ayaa bishii hore sheegtay in Turkigu martigeliyey wadahadallo lagu dejinayey xiisadda u dhexeysa Xizbullah iyo dowladda cusub ee Suuriya, oo dhinacyo iska soo horjeeday ka ahaa dagaalkii sokeeye ee dalkaas. Dowladaha Turkiga iyo Suuriya ayaa labaduba beeniyey warbixintaas.
Il kale oo ka qeyb qaatay qorsheynta safarka ayaa Middle East Eye u sheegay in ujeeddadu tahay dhisidda xiriirro dhaqan, islamarkaana Bilal Erdogan aanu wadahadallo qarsoodi ah ka dhex wadin Suuriya iyo Xizbullah ama dhinacyo kale oo gobolka ah.
Booqasho gobolka ah
Bilal Erdogan ayaa Jimcihii ka hadlay Madasha Hoggaanka Istaraatiijiga ah ee Lubnaan iyo Turkiga, oo ay martigelisay wasaaradda dhaqaalaha Lubnaan. Wuxuu sheegay in safarkiisu xaqiijinayo xiriirka taariikhiga ah iyo kan dhaqan ee labada shacab.
Wuxuu intaas ku daray in Lubnaan iyo Suuriya ay gaari karaan koboc dhaqaale oo la mid ah kii Turkigu gaaray 20-kii sano ee lasoo dhaafay, haddii la helo duruufo ku habboon.
Sida uu sheegay, xasilloonida dalalka deriska ah, oo ay ku jiraan Lubnaan, Suuriya, Giriigga iyo Armenia, waxay dan ugu jirtaa Turkiga, waxayna gacan ka geysan kartaa nabadda iyo barwaaqada gobolka.
Jimcihii ayuu sidoo kale tegay magaalada Tripoli, halkaas oo dad sitay calamada Turkiga iyo Lubnaan ay kusoo dhaweeyeen. Wakaaladda Anadolu ayaa sheegtay inuu la kulmay muftiga Tripoli, Sheekh Maxamed Imam, madaxa Golaha Islaamiga ah ee Calawiyiinta, Sheekh Ali Qaddour, iyo hoggaamiyeyaal Muslimiin iyo Masiixiyiin ah.
Sabtidii, maalintii saddexaad ee booqashada, wuxuu u gudbay gobolka Akkar ee waqooyiga Lubnaan. Wuxuu halkaas mar kale ku baaqay in Turkiga, Lubnaan iyo Suuriya ay xoojiyaan xiriirkooda, isaga oo sheegay in dalalka gobolka ay mudnaanta siiyaan xasilloonida iyo wanaagga deriskooda.
Kulanka madaxweyne Aoun, jadwalka booqashada iyo socdaallada Tripoli iyo Akkar waxaa sidoo kale xaqiijiyey warbaahinta Lubnaan iyo Anadolu.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Najmudiin Bilal Erdogan, oo ah wiilka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqasho saddex maalmood ah ku jooga Lubnaan halkaas oo uu kulamo heer sare ah kula yeeshay madaxda siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha diimaha. Booqashada ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeeddadeeda, maadaama Bilal Erdogan uusan wax xil rasmi ah ka hayn dowladda Turkiga.
Qodobada muhiimka ah
- Najmudiin Bilal Erdogan, oo ah wiilka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqasho saddex maalmood ah ku jooga Lubnaan halkaas oo uu kulamo heer sare ah kula yeeshay madaxda siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha diimaha.
- Booqashada ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeeddadeeda, maadaama Bilal Erdogan uusan wax xil rasmi ah ka hayn dowladda Turkiga.
- Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Lubnaan u sheegay Middle East Eye in booqashadu tahay mid bulsho iyo dhaqaale.
- Bilal Erdogan ayaa Lubnaan ku tegay martiqaad uu ka helay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaas, Tarek Mitri, oo qaabilsan xiriirka ay Beirut la leedahay Ankara iyo Dimishiq.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira ujeeddada booqashada.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid mas'uuliyiinta Turkiga oo ku saabsan saameynta booqashada Bilal Erdogan.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay hadallo ka yimid sarkaal sare oo Lubnaan ah iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Booqashada Bilal Erdogan ee Lubnaan waxay dhalinaysaa su'aalo ku saabsan saameynta siyaasadeed ee ay leedahay inkastoo uusan xil rasmi ah hayn.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo kulamada Bilal Erdogan ee Lubnaan?
- Sidee booqashadan u saameyn doontaa xiriirka Turkiga iyo Lubnaan mustaqbalka fog?
- Ma jiraan qorshayaal mustaqbalka ah oo ku saabsan booqashooyinka Bilal Erdogan dalalka kale ee gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hayn · dhalisay · wiilka