Villa Somalia oo beenisay in Uganda dhex-dhexaadinayso dowladda iyo mucaaradka
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Villa Somalia ayaa beenisay warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday in dowladda Uganda ay dhexdhexaadiso xukuumaddiisa iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si xal looga gaaro muranka doorashooyinka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayHeshiiskii Kampala ee 2011 Taageerayaasha mucaaradka ayaa baraha bulshada ka muujiyay dabbaaldeg, iyagoo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu cadaadiyay inuu aqbalo dhexdhexaadin caalami ah, waxayna arrintan barbardhigeen heshiiskii caanka ahaa ee Kampala lagu saxiixay bishii June sanadkii 2011-kii.
- Wararkan ayaa soo shaac baxay Isniintii kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Madaxtooyada Entebbe kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, kulankaas oo laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda lagu saaray iskaashiga amniga iyo ganacsiga gobolka.
- War-murtiyeedka ayay labada hoggaamiye ugu baaqeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika inay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale dalbaday hannaan maalgelin oo gaar ah oo loo sameeyo ciidamada Uganda ee dalka ku jooga heshiiska laba-geesoodka ah.
- Meelna ugama jirin qoraalka rasmiga ah in Museveni uu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ka qaadi doonto ka dib beenintan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Villa Somalia ayaa beenisay wararka sheegaya in Uganda ay dhex-dhexaadinayso dowladda iyo mucaaradka.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in war-murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay hoggaamiyeyaasha uu diiradda saaray iskaashiga amniga iyo ganacsiga gobolka.
- Bayaanka ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika inay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada oo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday in dowladda Uganda ay dhexdhexaadiso xukuumaddiisa iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si xal looga gaaro muranka doorashooyinka iyo muddo xileedka.
Wararkan ayaa soo shaac baxay Isniintii kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Madaxtooyada Entebbe kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, kulankaas oo laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda lagu saaray iskaashiga amniga iyo ganacsiga gobolka.
War-murtiyeedka ayay labada hoggaamiye ugu baaqeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika inay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale dalbaday hannaan maalgelin oo gaar ah oo loo sameeyo ciidamada Uganda ee dalka ku jooga heshiiska laba-geesoodka ah.
Meelna ugama jirin qoraalka rasmiga ah in Museveni uu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.
Taas beddelkeeda, war-murtiyeedku wuxuu xambaarsanaa qodob guud oo u dhignaa: “Madaxweynayaashu waxay ku boorriyeen dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo kooxaha kale inay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin, isla markaana hagaajiyaan dowlad-wanaagga.”
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in Museveni uu aqbalay martiqaad uu ku imaanayo magaalada Muqdisho waqti lagu heshiin doono marinada diblomaasiyadeed.
Warbaahinta taageerta mucaaradka iyo dadka ka faallooda siyaasadda ee baraha bulshada ayaa labadaas qodob u adeegsaday inay ku doodaan in lagu heshiiyay dhexdhexaadin shisheeye, iyagoo sidoo kale soo xigtay qoraal gaar ah oo uu Museveni ku daabacay bartiisa X kaddib kulankii Entebbe.
“Waxaan Madaxtooyada Entebbe ku soo dhoweeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ka wada-hadalnay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu soo celinayo nabadda, lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, laguna gaarayo xasillooni waarta,” ayuu qoray
“Waxaan la wadaagay khibradda Uganda ee ku aaddan muhiimadda midnimada qaranka, wada-hadalka, dimuqraadiyadda iyo tartanka siyaasadeed ee nabdoon si loo dhiso dalal xasilloon.”
Heshiiskii Kampala ee 2011
Taageerayaasha mucaaradka ayaa baraha bulshada ka muujiyay dabbaaldeg, iyagoo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu cadaadiyay inuu aqbalo dhexdhexaadin caalami ah, waxayna arrintan barbardhigeen heshiiskii caanka ahaa ee Kampala lagu saxiixay bishii June sanadkii 2011-kii.
Heshiiskaas oo dhexmaray Madaxweynihii xilligaas Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dib loogu dhigay doorashooyinka, laguna soo afjaray khilaafkii hoggaamiyeyaashii ku-meel-gaarka ahaa, taas oo markii dambe keentay inuu is-casilo Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Museveni ayaa xilligaas isku keenay labada dhinac, isagoo saxiixay markhaati ahaan iyo dammaanad-qaadaha heshiiska.
La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali, oo hadda si weyn baraha bulshada ugu dhaliila Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa bartiisa X ku soo hadal-qaaday heshiiskii 2011-kii.
“‘Mar kale Kampala?’ ayaan ku taahnaa mar kasta oo #Soomaaliya halkaas looga hadlo. Haddana Heshiiskii Kampala ee 2011 wuxuu furfuray is-mari-waa ay hoggaamiyeyaasheennu ku xallin waayeen Muqdisho. Nasiib darro 15 sano kaddib, waa muddo xileed kale oo lagu muransan yahay iyo is-mari-waa kale. Maxaan Kampala ugu eedeynaynaa siyaasadda aan gudaha dalkeenna ku xallin weynay?” ayuu yiri Xuseen.
Jawaabta Villa Somalia
Sarkaal sare oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu horay meesha uga saaray dhexdhexaadin shisheeye, uusanuna marnaba aqbali doonin, isagoo wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah.
“Waa waxba kama jiraan ay faafinayaan mucaaradka iyo taageerayaashoodu. Madaxweynuhu marnaba ma aqbalin dhexdhexaadin uu sameeyo Museveni ama Uganda, taasina ma aha sababta loogu martiqaaday Muqdisho. Haddii ay taasi jiri lahayd, waxaa lagu xusi lahaa war-murtiyeedka wadajirka ah,” ayuu yiri sarkaalkaas.
Wuxuu intaas ku daray: “Marka aad eegto war-murtiyeedka, xitaa erayga ‘mucaarad’ kuma jiro, taas oo muujinaysa inaysan wax muhiimad ah ku lahayn wada-hadalladii labada dhinac. Arrimaha siyaasadda gudaha waxay u yaallaan Soomaaliya inay xallisato, waxaana lagu dhammeyn doonaa wada-hadal ay Soomaalidu hoggaamiso,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la xusin si aanu khilaaf uga dhex dhalan labada dowladood.
Sarkaalka ayaa xusay in war-murtiyeedka wadajirka ah uu ahaa bayaanka kaliya ee labada dhinac ku heshiiyeen, isagoo sheegay in qoraalkii uu Museveni ku daabacay barta X aan horay loogala tashan Muqdisho.
“Xitaa qoraalka uu Museveni soo dhigay X ma ahayn mid lagu heshiiyay, marka laga reebo war-murtiyeedka wadajirka ah, mana aha wax aan soo dhoweynay, inkastoo aysan hadda ahayn arrin weyn,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas raaciyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda, Adonia Ayebare, ay suurtagal tahay inuu u safro Muqdisho si uu hoggaamiyeyaasha mucaaradka ugu boorriyo inay wada-hadal toos ah la galaan Madaxweyne Xasan Sheekh, balse wuxuu meesha ka saaray in Uganda ay dhexdhexaadinayso labada dhinac.
Is-mari-waaga doorashada
Murankan ku saabsan dhexdhexaadinta shisheeye ayaa salka ku haya khilaaf dastuuri ah iyo mid doorasho oo ka sii daraya oo ka taagan magaalada Muqdisho. Baarlamaanka ayaa bishii March wax ka beddel ku sameeyay dastuurka, isagoo muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka ka dhigay shan sano halkii uu markii hore ka ahaa afar sano.
Hase yeeshee, 5-tii bishan November, guddi garsooreyaal ah oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa xukumay in muddo kordhintu aysan khuseyn madaxda hadda xilka haysa, iyagoo go’aamiyay in muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday bishii May, amrayna in doorasho lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay xukunkaasi, iyadoo ku doodday in Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, horay xilka looga qaaday—tallaabo ay mucaaradku ku tilmaameen afgambi ka dhan ah garsoorka—uusanuna awood u lahayn inuu soo saaro xukunkaasi.
Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaya in dastuurka dib-u-eegista lagu sameeyay uu hoggaanka hadda jira u ogolaanayo inay xafiiska sii joogaan ilaa doorasho laga gaarayo.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi mucaarad ah oo ay ku jiraan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaa qaadacay wada-hadallo ay dowladdu ku baaqday inay furmaan 14-kii November, iyagoo dalbaday dhexdhexaadiye caalami ah iyo dammaanad-qaad ku aaddan fulinta heshiis kasta oo la gaaro.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u soo jeediyay inuu hoggaamiyeyaasha mucaaradka kula kulmo goob kasta oo ay iyagu doortaan. Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo ka tirsan mucaaradka ayaa Sabtidii warbaahinta u sheegay inuu ka soo horjeedo wada-hadallada cusub, isagoo ku dooday in muddo xileedkii madaxweynuhu dhammaaday.
Dowladda ayaa dooneysa in xildhibaannada lagu soo doorto nidaamka liisaska xisbiyada, halka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu soo jeediyay tartan deegaan-doorasho oo dhexmara musharraxiin gaar-gaar ah, doonayana in maamul-goboleedyadu ay qayb ka noqdaan maamulka codbixinta.
Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa muddada diiwaangelinta ururrada siyaasadda u kordhiyay ilaa 30-ka November, iyadoo jadwalka guddigu uu dhigayo in doorashada baarlamaanka la qabto 15-ka April 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Villa Somalia ayaa beenisay warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaaday in dowladda Uganda ay dhexdhexaadiso xukuumaddiisa iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si xal looga gaaro muranka doorashooyinka. Beenintaasi waxay ka dambeysay war-murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh kaddib kulankoodii Entebbe.
Qodobada muhiimka ah
- Villa Somalia ayaa beenisay wararka sheegaya in Uganda ay dhex-dhexaadinayso dowladda iyo mucaaradka.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in war-murtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay hoggaamiyeyaasha uu diiradda saaray iskaashiga amniga iyo ganacsiga gobolka.
- Bayaanka ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika inay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
- Maqaalku wuxuu xusay in Museveni uu aqbalay martiqaad uu ku imaanayo magaalada Muqdisho.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha hoggaamiyeyaasha mucaaradka ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Eedeymaha ku saabsan dhexdhexaadinta iyo saamaynta ay leedahay waxay ku saleysan yihiin kaliya bayaannada Villa Somalia.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo lagu taageerayo sheegashooyinka ku jira maqaalka.
Gunaanadka akhristaha
Beeninta Villa Somalia ee ku saabsan dhexdhexaadinta Uganda waxay muujinaysaa xiisadaha socda ee siyaasadda Soomaaliya ee ku saabsan murannada doorashooyinka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ka qaadi doonto ka dib beenintan?
- Sidee ayey beenintani u saameyn doontaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda?
- Maxay yihiin tallaabooyinka xiga ee mucaaradka marka la eego horumarkan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · beenisay · dowladda · uganda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada