Waa maxay sababta ay uganda u hakisay iskaashigii militari ee Turkiga ?
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiUganda ayaa hakisay dhammaan iskaashigii milatari ee ay la lahayd Türkiye sababo la xiriira khilaaf sii xoogaysanaya oo la xiriira Fred Kajubi Lumbuye.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayUganda iyo Turkigu waxay leeyihiin xiriir milatari oo muddo dheer soo jiray, kaas oo si weyn loo ballaariyey heshiiskii iskaashiga milatari ee labada dal ay saxiixeen 2016, a yadoo iskaashiga ay ka midyihiin tababarro ciidan, warshadaha difaaca, qalabka milatariga, is-dhaafsiga khibradaha iyo dhinacyo kale oo amni Khilaafka labada dal wuxuu sidoo kale kusoo beegmay xilli ay jiraan arrimo kale oo istiraatiiji ah oo ku saabsan Geeska Afrika iyo Soomaaliya, xilli Uganda ay muddo dheer ciidamo ka joogaan Soomaaliya, halka Turkigu uu sannadihii dambe si weyn u ballaarisay iskaashigeeda dhinacyada amniga iyo difaaca Soomaaliya.
- Go’aanka waxaa 19-kii Sebteembar ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda, Korneyl Chris Magezi, isagoo sheegay in Ciidamada Difaaca Dadweynaha Uganda (UPDF) ay si degdeg ah u hakiyeen dhammaan iskaashiga difaac iyo milatari ee ay la lahaayeen Türkiye, isla markaana hakintu sii jiri doonto ilaa laga xalliyo arrimaha aan weli la isku afgaran ee labada dhinac.
- bayaanka rasmiga ah ee UPDF si toos ah uma magacaabin Lumbuye inuu yahay sababta go’aanka , mana uusan faahfaahin arrimaha kale ee ay ciidamada sheegeen.
- Khilaafka ugu weyn ee maalmahan soo ifbaxay ayaa la xiriira dalabka Uganda ee ah in Türkiye ay u soo gacan geliso Lumbuye, kaas oo dowladda Uganda ku eedeysay dambiyo ay ka mid yihiin kicin rabshado, faafinta xog been ah iyo dambiyo la xiriira isticmaalka kombiyuutarka.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin arrimaha gaarka ah ee aan weli la xallin oo u dhexeeya Uganda iyo Türkiye?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa ku dhawaaqay hakinta 19-kii Sebteembar.
- Khilaafka wuxuu ku saleysan yahay dalabka Uganda ee ah in Türkiye ay u soo gacan geliso Lumbuye, kaas oo lagu eedeeyay kicin rabshado iyo faafinta xog been ah.
- Xiisadda ayaa haatan ka gudubtay arrin ku saabsan hal qof, waxayna taabatay xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo dhaqaale ee Uganda iyo Turkiga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Uganda ayaa si degdeg ah u hakisay dhammaan iskaashigii dhinaca difaaca iyo milatariga ee ay la lahayd Türkiye, kadib markii uu sii xoogaystay khilaaf u dhexeeya labada dal ayaa salka ku haya Fred Kajubi Lumbuye , oo ah qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo yugaandhays ah oo muddo ku noolaa Türkiye, isla markaana si weyn u dhaliila dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni.
Go’aanka waxaa 19-kii Sebteembar ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda, Korneyl Chris Magezi, isagoo sheegay in Ciidamada Difaaca Dadweynaha Uganda (UPDF) ay si degdeg ah u hakiyeen dhammaan iskaashiga difaac iyo milatari ee ay la lahaayeen Türkiye, isla markaana hakintu sii jiri doonto ilaa laga xalliyo arrimaha aan weli la isku afgaran ee labada dhinac.
bayaanka rasmiga ah ee UPDF si toos ah uma magacaabin Lumbuye inuu yahay sababta go’aanka , mana uusan faahfaahin arrimaha kale ee ay ciidamada sheegeen.
Khilaafka ugu weyn ee maalmahan soo ifbaxay ayaa la xiriira dalabka Uganda ee ah in Türkiye ay u soo gacan geliso Lumbuye, kaas oo dowladda Uganda ku eedeysay dambiyo ay ka mid yihiin kicin rabshado, faafinta xog been ah iyo dambiyo la xiriira isticmaalka kombiyuutarka.
Lumbuye ayaa muddo ku noolaa Türkiye, halkaas oo uu sii waday faallooyinka siyaasadeed ee uu kaga soo horjeedo dowladda Museveni.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay 18-kii Sebteembar, markii boqolaal taageerayaal ah oo ka tirsan Patriotic League of Uganda (PLU) ay dibadbax ka dhigeen bannaanka safaaradda Türkiye ee Kampala, iyagoo dalbanayay in Lumbuye loo soo celiyo Uganda.
PLU waxaa guddoomiye ka ah General Muhoozi Kainerugaba, oo ah Taliyaha Ciidamada Uganda ahna wiilka Madaxweyne Museveni, ayadoo Muhoozi uu muddooyinkii u dambeeyay si joogto ah ugu baaqayay Türkiye inay wax ka qabato arrinta Lumbuye.
Sida ay warbaahinta Uganda sheegtay, wuxuu sidoo kale sheegay in haddii dalabaadka Kampala aan la fulin ay jiri karaan tallaabooyin kale oo saameeya xiriirka labada dal.
Xiisadda ayaa haatan ka gudubtay arrin ku saabsan hal qof, waxayna taabatay xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo dhaqaale ee Uganda iyo Turkiga.
Uganda iyo Turkigu waxay leeyihiin xiriir milatari oo muddo dheer soo jiray, kaas oo si weyn loo ballaariyey heshiiskii iskaashiga milatari ee labada dal ay saxiixeen 2016, a yadoo iskaashiga ay ka midyihiin tababarro ciidan, warshadaha difaaca, qalabka milatariga, is-dhaafsiga khibradaha iyo dhinacyo kale oo amni
Khilaafka labada dal wuxuu sidoo kale kusoo beegmay xilli ay jiraan arrimo kale oo istiraatiiji ah oo ku saabsan Geeska Afrika iyo Soomaaliya, xilli Uganda ay muddo dheer ciidamo ka joogaan Soomaaliya, halka Turkigu uu sannadihii dambe si weyn u ballaarisay iskaashigeeda dhinacyada amniga iyo difaaca Soomaaliya.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa arrintan u arka qayb ka mid ah jawiga istiraatiijiga ah ee ka dambeeya xiriirka Ankara iyo Kampala, inkastoo sababta rasmiga ah ee UPDF ku sheegtay hakinta ay weli tahay “arrimo aan la xallin” oo ku saabsan iskaashiga difaaca.
khilaafka Fred Lumbuye ayaa ah qodobka ugu mudan ee sababay xiisadda cusub ee Uganda iyo Turkiga , waxaana xigay dibadbaxyo iyo cadaadis siyaasadeed oo lagu dalbanayo in Ankara ay u soo gacan geliso Lumbuye.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Uganda ayaa hakisay dhammaan iskaashigii milatari ee ay la lahayd Türkiye sababo la xiriira khilaaf sii xoogaysanaya oo la xiriira Fred Kajubi Lumbuye. Go'aanka waxaa ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda 19-kii Sebteembar.
Qodobada muhiimka ah
- Uganda ayaa hakisay dhammaan iskaashigii milatari ee ay la lahayd Türkiye sababo la xiriira khilaaf sii xoogaysanaya oo la xiriira Fred Kajubi Lumbuye.
- Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa ku dhawaaqay hakinta 19-kii Sebteembar.
- Khilaafka wuxuu ku saleysan yahay dalabka Uganda ee ah in Türkiye ay u soo gacan geliso Lumbuye, kaas oo lagu eedeeyay kicin rabshado iyo faafinta xog been ah.
- Xiisadda ayaa haatan ka gudubtay arrin ku saabsan hal qof, waxayna taabatay xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo dhaqaale ee Uganda iyo Turkiga.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Bayaanka ka soo baxay Ciidamada Difaaca Dadweynaha Uganda ma magacaabin Lumbuye inuu yahay sababta go'aanka.
- Lama hayo jawaab ka timid Türkiye oo ku saabsan eedeymaha ama hakinta.
Gunaanadka akhristaha
Hakinta iskaashiga milatari ee Uganda iyo Türkiye waxay muujinaysaa kakanaanta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyadoo xiisaddu sii kordhayso.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin arrimaha gaarka ah ee aan weli la xallin oo u dhexeeya Uganda iyo Türkiye?
- Sidee ayey hakintaani u saameyn doontaa mashaariicda milatari ee socda ee labada dal?
- Maxay tallaabooyin kale qaadi doonaan Uganda haddii Türkiye aysan raacin dalabaadkooda ku saabsan Lumbuye?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hakisay · uganda · iskaashigii
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada