Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay howlgallo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka Baydhabo, iyadoo lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo malleeshiyaad hubeysan.
Maxaa la shaaciyey
- Howlgalka ayaa lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.
- Ciidanka ayaa burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro.
- Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen malleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen.
Macnaha guud
Kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij ayaa shalay subax weerar gaadmo ah ku qaaday ciidan ku howlanaa sugidda amniga.
“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay tacsi u direysaa ehellada, qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen geesiyaashii naftooda u huray difaaca Qaranka intii uu socday weerarkii shalay.”
Sababta ay muhiim u tahay: Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama malleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday kooxo isugu jira Khawaarij iyo nabad-diid oo ku sugnaa duleedka Baydhabo.
Warka ayaa lagu yiri”Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo khawaarij wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo malleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen malleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan