Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxya

SO
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada amniga loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda iyo lahaanshaha dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka. Dhankiisa, Madaxa Howlgalka EUCAP ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo oo lagu sii ambaqaadayo dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP, xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralwasiirkasoomaaliyaeucap
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.