Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Seoul kaga qayb galay shirka Kuuriya iyo Afrika
Soomaaliya oo Seoul kaga qayb gashay shirka Kuuriya iyo Afrika Seoul, Jamhuuriyadda Kuuriya – 01 June 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika (Korea–Africa Ministerial Meeting) oo ka dhacaya magaalada Seoul, kaas oo isugu keenaya wasiirro arrimaha […] Th
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Soomaaliya oo Seoul kaga qayb gashay shirka Kuuriya iyo Afrika
Seoul, Jamhuuriyadda Kuuriya – 01 June 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika (Korea–Africa Ministerial Meeting) oo ka dhacaya magaalada Seoul, kaas oo isugu keenaya wasiirro arrimaha dibadda iyo masuuliyiin sare oo ka kala socota Afrika iyo Kuuriya si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo horumarinta koboc waara.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muhiimad weyn u leh dalka, iyadoo dowladda federaalka ay doonayso in ay ballaariso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, gaar ahaan Kuuriya oo ah mid ka mid ah dalalka ugu horumarsan tiknoolajiyadda aduunka.
“Shirkan wuxuu noogu talagalay in aan xoojino iskaashiga miro-dhal ah, soo jiidano maalgashi, horumarinno hal-abuurka, iyo xoojino awoodaha hay’adaha dalkeenna,” ayuu yiri Wasiir Cabdisalam Cabdi Cali oo ka hadlay shirka. “Soomaaliya waxay ka go’an tahay in ay la jaanqaaddo isbeddellada caalamiga ah kana faa’iidayso fursadaha ay bixiyaan saaxiibadeenna Kuuriya.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan