Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Danjiraha Shiinaha

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Danjiraha dalkaas u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo

SO
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Danjiraha Shiinaha
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Danjiraha dalkaas u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga labada dal ee ku aaddan ilaalinta iyo xoojinta danaha wadaagga ah.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka, isaga oo bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, oo ay ku jiraan warfaafinta.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldanjirahawarfaafintawasiirka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.