W/Bari: Maxaynu ku bedalanay Jacaylka Madaxweyne Xasan Sheekh?
JACAYLKA XASAN SHEEKH MAXAYNU KU BADALANAY? Ma dheeman baa quraarad la inoogu badalay?: Marka laga hadlayo xiriirka laba dhinac iyo cilmiga siyaasadda, hannaanka iskaashi ama isbeddel ee dhexmara laba dhinac wuxuu had iyo goor ku salaysan yahay mabaadi’da dan is-weydaarsiga iyo dheelitirka awoodda. Siyaasadda caqliga ku dheehani waxay waajibineysaa in marka la qaadanayo go’aan isbeddel

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay in uu ka tagay danaha deegaanka Woqooyi Bari iyadoo la sheegay in in ka badan 500 mashruuc oo horumarineed laga reebay deegaannada SSC.
Maxaa la shaaciyey
- Deegaannada SSC waxaa laga reebay in ka badan 500 oo mashruuc oo horumarineed iyo gargaar caalami ah.
- Saamiga miisaaniyadda qaranka ee deegaanka WB ayaa lagu sheegay in uu yahay $1.36 bilyan oo dollar.
- Mashaariicda aan hirgalin ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo u adeegaya olole siyaasadeed oo kaliya.
Macnaha guud
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa isbeddelka siyaasadeed ee ka dhex jira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deegaanka Woqooyi Bari, iyadoo la eedeeyay in go'aannada siyaasadeed ay ku koobanyihiin koox kooban.
“Maamulka ayaa la burburinayaa, 'Lacag bay soo qaateen,' ama 'Meel kale ayaa laga soo diray.'”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay fahmaan sida siyaasadda hadda jirta ay u saameyneyso horumarka iyo danaha deegaanka Woqooyi Bari.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
JACAYLKA XASAN SHEEKH MAXAYNU KU BADALANAY? Ma dheeman baa quraarad la inoogu badalay?:
Marka laga hadlayo xiriirka laba dhinac iyo cilmiga siyaasadda, hannaanka iskaashi ama isbeddel ee dhexmara laba dhinac wuxuu had iyo goor ku salaysan yahay mabaadi’da dan is-weydaarsiga iyo dheelitirka awoodda.
Siyaasadda caqliga ku dheehani waxay waajibineysaa in marka la qaadanayo go’aan isbeddel ama isbahaysi siyaasadeed, in badalka la helayo uu noqdo mid u dhigma ama ka dakhli iyo faa’iido badan dhabbihii hore, haddii kale waxay dhashaa guuldaro istiraatiijiyadeed iyo natiijo aan la mahadin.
Marka loo kuurgalo taariikhda dhow, deegaannada Woqooyi Bari waxay soo mareen halgan muddo dheer qaatay oo dhiig iyo naf hurid baaxad leh loo soo hurey, kaas oo yoolkiisu ahaa helitaanka xorriyad, sharaf, iyo caddaalad dhab ah. Sidaa darteed, guulahaas taariikhiga ah marka loo rogayo midho siyaasadeed, waa inay ka turjumaan mabaadii’daas sare, iyadoo laga fogaanayo in dano istiraatiijiyadii guud lagu beddelo dano shakhsiyeed ama tanaasulaad siyaasadeed oo aan miisaan lahayn iyo guulo ku-meel-gaar ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan