Xagee marayaa koobka caasimadaha Puntland ee ka socda Boosaaso.
Garoonka Shuhadada ee Magaalada Boosaaso waxaa asbuucii 2aad is habsami leh uga socda koobka kubadda Caasimadaha…

Koobka kubadda Caasimadaha Puntland ayaa ka socda garoonka Shuhadada ee Boosaaso, iyadoo 9 kooxood ay ka qaybgalayaan.
Maxaa la shaaciyey
- Tartanka waxaa ka qaybgalaya kooxo matalaya 9-ka magaalo-madax ee Puntland.
- Caasimadda Boosaaso ayaa hogaaminaysa groupka A iyadoo heshay 6 dhibcood.
- Xiriirka Kubadda Puntland ayaa ka digay in laga dheeraado waxkasta oo ka baxsan kubadda cagta.
Macnaha guud
Tartankan ayaa lagu maamuusayaa halyeyyadii u shahiidey difaaca dalkooda.
“Cidii lagu arko hadal ama ficil lid ku ah dowladnimadana laga saarayo tartanka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tartankan wuxuu muujinayaa is-dhexgalka bulshada Puntland iyo taageerada ciyaaraha.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Garoonka Shuhadada ee Magaalada Boosaaso waxaa asbuucii 2aad is habsami leh uga socda koobka kubadda Caasimadaha…
Garoonka Shuhadada ee Magaalada Boosaaso waxaa asbuucii 2aad is habsami leh uga socda koobka kubadda Caasimadaha ee Cal-miskaad oo ay ka qaybgelayaan kooxo matalaya 9-ka Magaala-madax ee gobolada Puntland.
Tartankaan oo la qabtay markii ugu horraysey ayna si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha & xiriirka kubadda cagta Puntland ayaa maamuusayaa halyeyyadii u shahiidey difaaca dalkooda oo ku geeriyoodey hawlgalkii Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad .
Caasimadda gobolka Bari ee Boosaaso oo martigelinaysa koobka ayaa 6 dhibcood oo ay wadaagaan Dhahar ku hoggaaminaysa groupka A, kadib 3 kulan oo ay ciyaartay iyadoo ay kaalinta 3aad fadhido caasimadda Mudug ee Galkacyo oo 4 dhibcood ka heshay 2 kulan oo ay dheeshay, iyadoo kulamada soo aaddan ay jaangoyn doonaan labada caasimadood ee u gudbaya ciyaaraha bug-baxa ama isreeb-reebka wareegga 4 dhammaadka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan