Xasan iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug iyo xiisad taagan
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada maamulka Galmudug. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu […] The

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada maamulka Galmudug.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu si cad ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Galmudug, isla markaana aanu taageersaneyn qorshe kasta oo lagu cadaadinayo madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in xal siyaasadeed lagu gaari karo arrinta Galmudug, isaga oo ku dooday in Qoor-Qoor lagu qancin karo tanaasul siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama cadaadis siyaasadeed oo toos ah.
Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in kulamo dhowr ah oo u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay kusoo dhammaadeen is-afgaranwaa, iyadoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin khilaafka taagan. Labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo kale oo arrintan looga hadlayo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan