Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Xasan Sheekh shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa

MUQDISHO – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul. “Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafi

SO
Xasan Sheekh shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

MUQDISHO – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul.

“Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsoomaaliyeedhambalyeeyeymunaasabadda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.