Xiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay xiliga la qabanayo doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu si rasmi ah u mudeeyay doorashooyinkaasi. Jadwalka cusub ee uu soo bandhigay guddiga doorashooyinka ayaa ku cad in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la qaban doonaa 2-da June 2026,

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay xiliga la qabanayo doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu si rasmi ah u mudeeyay doorashooyinkaasi.
Jadwalka cusub ee uu soo bandhigay guddiga doorashooyinka ayaa ku cad in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la qaban doonaa 2-da June 2026, halka doorashada Madaxweynahana loo qorsheeyey inay dhacdo 10-ka June 2026.
Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa soo gudbiyay isla markaana shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay golaha wakiilada Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii maxkamadda sare ee dalka si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee dhawaan ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.
Go’aankan ansixinta ah ayaa lagu gaaray fadhi ay yeesheen garsoorka maxkamadda sare qeybteeda doorashooyinka, waxaana saxiixay dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban 5 garsoore.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan