Xog: Lacago laaluush ah oo garoonka Muqdisho looga qaado dadka u dhoofa…
Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii u dambeeyay waxaa soo xoogeysanayay eedeymo ku saabsan musuq baahsan oo ka dhex jira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah albaabka ugu weyn ee dalka laga galo, lagana dhoofo. Sida ay sheegeen dad kala duwan oo u dhoofayay dalka Masar, waxaa lacago sharci-darro ah looga qaatay gudaha […] The post Xog: Lacago laaluush ah

Muqdisho waxaa ka socda musuq baahsan oo lacago laaluush ah looga qaado dadka u dhoofa Masar, iyadoo lacagahaasi ay u dhexeeyaan 150 ilaa 200 oo dollar.
Maxaa la shaaciyey
- Dhalinyarada u safraya Masar ayaa lagu cadaadiyaa inay bixiyaan lacag laaluush ah si ay u fududeeyaan safarkooda.
- Lacagaha laaluushka ah ayaa lagu shubaa taleefanka qofka ka shaqeynaya qeybaha baarista ama socdaalka ee garoonka.
- Kooxo isku xiran ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliya tahriibka, iyagoo ballanqaadaya inay daboolayaan qarashaadka safarka.
Macnaha guud
Eedeymahan ayaa soo baxay kadib markii ay furantay waddada tahriibka ee dhalinyarada Soomaaliyeed uga sii gudbaan Masar.
“Lacagaha laga qaado dadkaas ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan 150 ilaa 200 oo dollar.”
Sababta ay muhiim u tahay: Arrintani waxay muujinaysaa dhibaatooyinka musuqmaasuqa iyo tahriibka ee ka jira garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo saameyn ku leh dhalinyarada Soomaaliyeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii u dambeeyay waxaa soo xoogeysanayay eedeymo ku saabsan musuq baahsan oo ka dhex jira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah albaabka ugu weyn ee dalka laga galo, lagana dhoofo.
Sida ay sheegeen dad kala duwan oo u dhoofayay dalka Masar, waxaa lacago sharci-darro ah looga qaatay gudaha garoonka, inkastoo aysan wax dhibaato ah ka jirin dokumentiyadooda safarka. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay inay diideen bixinta lacagaha ay ku tilmaameen laaluush.
Dadka sida gaarka ah loo beegsado ayaa lagu sheegay dhalinyarada u safraysa Masar, gaar ahaan kuwa lagu tuhmo inay halkaas uga sii gudbayaan waddada tahriibka ee loo maro Liibiya iyo badda Mediterranean-ka. Lacagaha laga qaado dadkaas ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan 150 ilaa 200 oo dollar.
Dhalinyarada u dhoofaysa Masar ayaa, sida ay dadka safarka ah sheegeen, mararka qaar la weydiiyaa sababta safarkooda iyo qof damiin ka ah. Hase yeeshee, dadka lagu tuhmo tahriibka ayaa inta badan ku adkaata inay helaan qof damiinan kara, taas beddelkeedana waxaa lagu cadaadiyaa inay bixiyaan lacag laaluush ah si loogu fududeeyo safarkooda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan