Xuutiyiinta Yemen oo Maalintii Saddexaad Weerarro Gantaallo ah ku Beegsaday Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiXuutiyiinta Yemen ayaa weerarro gantaallo ah ku beegsaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh maalintii saddexaad oo xiriir ah, iyadoo Dowladda Sacuudi Carabiya ay sheegtay inay fashilisay oo burburiyeen saddex gantaal oo ballistic ah oo lagu beegsaday magaalada.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta, Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen saddex gantaal oo ballistic ah, kuwaas oo mid lagu soo tuuray Riyadh, halka labada kalena lagu bartilmaameedsaday magaalada Khamis Mushait ee koonfur-galbeed dalka Sacuudiga.
- Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarka Riyadh lagu beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid, halkaas oo weli hakad ku jiro howlihii duulimaadyada kaddib weerarro hore oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
- Wararka la xiriira weerarradii maalmihii u dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof ay dhinteen, halka in ka badan 300 oo qof ay ku dhaawacmeen weerarro kala duwan oo lala beegsaday Riyadh.
- Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay inay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku qaadeen saldhig militari oo ku yaalla Khamis Mushait.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Sacuudiga ay qaadi doonto si ay uga jawaabto weerarradan?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xuutiyiinta Yemen ayaa weerarro gantaallo ah ku beegsaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh maalintii saddexaad oo xiriir ah.
- Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay fashilisay weerar cusub oo gantaallo ballistic ah oo Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen caasimadda Riyadh.
- Wararka la xiriira weerarradii maalmihii u dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof ay dhinteen, halka in ka badan 300 oo qof ay ku dhaawacmeen weerarro kala duwan oo lala beegsaday Riyadh.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay fashilisay weerar cusub oo gantaallo ballistic ah oo Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen caasimadda Riyadh, iyadoo weerarradu maalintii saddexaad oo xiriir ah ka socdaan gudaha dalkaas.
Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta, Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen saddex gantaal oo ballistic ah, kuwaas oo mid lagu soo tuuray Riyadh, halka labada kalena lagu bartilmaameedsaday magaalada Khamis Mushait ee koonfur-galbeed dalka Sacuudiga.
Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarka Riyadh lagu beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid, halkaas oo weli hakad ku jiro howlihii duulimaadyada kaddib weerarro hore oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Wararka la xiriira weerarradii maalmihii u dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof ay dhinteen, halka in ka badan 300 oo qof ay ku dhaawacmeen weerarro kala duwan oo lala beegsaday Riyadh.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay inay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku qaadeen saldhig militari oo ku yaalla Khamis Mushait.
Garoonka King Khalid ayaa la sheegay inuu xirnaan doono ilaa Sabtida, iyadoo shirkado diyaaradeed ay baajiyeen ama dib u dhigeen duulimaadyadoodii Sacuudiga.
Shirkadda Etihad Airways ee Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay hakisay duulimaadyada Riyadh ilaa toddobaadka xiga, halka Gulf Air ee Baxreyn ay sidoo kale baajisay duulimaadyadii Riyadh ilaa Sabtida.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta nidaamyada difaaca cirka ay u joojin waayeen qaar ka mid ah weerarradii hore ee lagu qaaday garoonka Riyadh.
Sida ay saraakiil goboleed u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press, baaritaanka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in diyaarado aan duuliye lahayn markii hore la adeegsaday, ka hor inta aan la soo ridin gantaallo noocyo kala duwan leh.
Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan, ayaa sheegay in weerarrada lagu qaaday garoomada diyaaradaha ay tijaabo adag ku yihiin adkeysiga dalka, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in qorshaha Vision 2030 ee lagu horumarinayo dhaqaalaha Sacuudiga iyo maalgelinta dalka ay sii socon doonaan.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale uga digay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah iyo dadka safarka ah inay isticmaalaan garoomada Sacuudiga, marka laga reebo kuwa ku yaalla Maka iyo Madiina, iyagoo ku dooday in garoomada kale aysan ammaan ahayn.
Mas’uul ka tirsan Xuutiyiinta ayaa intaa ku daray in xarumaha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha Sacuudiga ay noqon karaan bartilmaameedyo kale.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay weerarrada Xuutiyiinta, balse ma uusan sheegin tallaabo gaar ah oo Washington qaadi doonto.
Dhanka kale, mas’uul ka tirsan Xuutiyiinta ayaa ka digay in haddii Mareykanku si toos ah ugu lug yeesho dagaalka Yemen, ay jawaab degdeg ah ka bixin doonaan, taas oo uu sheegay inay beegsan karto Mareykanka iyo danihiisa gobolka.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalka Yemen uu weli ka socdo, iyadoo Xuutiyiintu ay la dagaallamayaan xoogagga taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, halka isbahaysiga Sacuudigu uu taageero dowladdaas.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xuutiyiinta Yemen ayaa weerarro gantaallo ah ku beegsaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh maalintii saddexaad oo xiriir ah, iyadoo Dowladda Sacuudi Carabiya ay sheegtay inay fashilisay oo burburiyeen saddex gantaal oo ballistic ah oo lagu beegsaday magaalada.
Qodobada muhiimka ah
- Xuutiyiinta Yemen ayaa weerarro gantaallo ah ku beegsaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh maalintii saddexaad oo xiriir ah.
- Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay fashilisay weerar cusub oo gantaallo ballistic ah oo Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen caasimadda Riyadh.
- Wararka la xiriira weerarradii maalmihii u dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof ay dhinteen, halka in ka badan 300 oo qof ay ku dhaawacmeen weerarro kala duwan oo lala beegsaday Riyadh.
- Xuutiyiinta ayaa sidoo kale uga digay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah iyo dadka safarka ah inay isticmaalaan garoomada Sacuudiga, marka laga reebo kuwa ku yaalla Maka iyo Madiina.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay dowladda Sacuudiga iyo Xuutiyiinta iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Tirakoobka khasaare ee la soo sheegay ma ahan mid si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Xuutiyiinta oo ku saabsan eedeymaha Sacuudiga.
Gunaanadka akhristaha
Weerarradan gantaallada ah ee Xuutiyiinta ku beegsanayaan Riyadh waxay muujinayaan kororka khilaafka Yemen iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Sacuudiga ay qaadi doonto si ay uga jawaabto weerarradan?
- Sidee ayuu dagaalka Yemen u sii socon doonaa ka dib dhacdooyinkan?
- Maxay noqon doontaa saameynta weerarradan ku yeelan doonaan safarka caalamiga ah ee Sacuudiga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · gantaallo · riyadh · maalintii
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada