Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
8 Qof oo u Badan Carruur oo ku Dhaawacmay Weerar Diyaarad Drone ah oo RSF ka Geysatay Khartuum.
Jimco 11, Sab 2026 {HMC} Siddeed qof oo u badan carruur ayaa Khamiistii ku dhaawacmay weerar diyaarad drone ah oo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ay ku qaadeen deegaan ka tirsan caasimadda Suudaan ee Khartuum, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah. Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka Khartuum ayaa lagu sheegay in Ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Al-Mustafa […] The post 8 Qof oo

Reader briefing
Article context
What happened
- Eight people, mostly children, were injured in a drone attack carried out by the Rapid Support Forces (RSF) in Khartoum.
Key claims
- Eight people, mostly children, were injured in a drone attack carried out by the Rapid Support Forces (RSF) in Khartoum.
- The injured were taken to Al-Naw government hospital following the attack in the Al-Fath area of Omdurman.
- The UN reported that 1,100 civilians were killed in drone attacks in Sudan between January and June of this year.
Source limitations
- The article relies on local officials for casualty figures.
- There is no independent verification of the claims made regarding the drone attack.
- The article does not include responses from RSF regarding the allegations.
Reader takeaway
The reported drone attack highlights ongoing violence in Sudan and its impact on civilians.
What remains unclear
- What measures are being taken to prevent further civilian casualties?
- How will the international community respond to the ongoing violence?
- What is the current status of the conflict between RSF and Sudanese forces?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Jimco 11, Sab 2026 {HMC} Siddeed qof oo u badan carruur ayaa Khamiistii ku dhaawacmay weerar diyaarad drone ah oo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ay ku qaadeen deegaan ka tirsan caasimadda Suudaan ee Khartuum, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah.
Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka Khartuum ayaa lagu sheegay in Ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Al-Mustafa Cali uu Isbitaalka dawladda ee Al-Naw ku booqday dadka dhaawacmay, kaddib weerarkii subaxnimadii lagu qaaday deegaanka Al-Fath ee galbeedka Omdurman. “Tirada dhaawaca ayaa gaartay siddeed qof, kuwaas oo intooda badan ay yihiin carruur, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Al-Mustafa ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay in RSF ay bartilmaameedsatay dad rayid ah oo aan hubeysneyn. Horaantii Khamiistii, difaaca cirka ee ciidanka Suudaan ayaa ka jawaabay weerar diyaarado drone ah oo lagu bartilmaameedsaday caasimadda Khartuum, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Anadolu. Mas’uuliyiinta Suudaan iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa marar badan RSF ku eedeeyay inay bartilmaameedsato xarumaha rayidka, halka kooxdu guud ahaan aysan ka hadlin eedeymahaas, iyadoo sheegta inay ka shaqeyso ilaalinta rayidka.
Qaramada Midoobay ayaa 24-kii Agoosto sheegtay in 1,100 oo rayid ah lagu dilay weerarro diyaaradaha drone-ka ah oo ka dhacay Suudaan intii u dhexeysay Janaayo iyo Juun ee sannadkan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.