Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha XFS, kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo xoojiyo isku […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha XFS, kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo xoojiyo isku duwidda iyo wada shaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha dowladda.
Mudane Xamza Aadan Haadow ayaa Agaasimayaasha Guud ku soo dhoweeyey kulanka, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo isuduwidda hay’adaha dowladda.
Intii uu socday kulanka, Agaasimaha Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatax, ayaa jeediyey bandhig ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadda.
Bandhigga ayaa iftiimiyey waajibaadka Wasaaradda ee isku duwidda xiriirrada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro habraacyada diblomaasiyadeed ee lagu dhaqmo marka lala macaamilayo dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.