Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
AUSSOM iyo Midowga Yurub oo adkeeyay taageerada amniga Soomaaliya
Muqdisho – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Waaxda Adeegga Diblomaasiyadda Midowga Yurub (EEAS) iyo Hay’adda Saadka Ciidanka ee Faransiiska (EdA). Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaysay Ku-simaha [&#

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Waaxda Adeegga Diblomaasiyadda Midowga Yurub (EEAS) iyo Hay’adda Saadka Ciidanka ee Faransiiska (EdA).
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaysay Ku-simaha Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Gatt-Rutter, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika iyo Midowga Yurub si loo taageero howlaha AUSSOM iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam taageero oo waara, lagu kalsoonaan karo isla markaana si wanaagsan loo isku dubbariday, si AUSSOM loogu suurtageliyo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, ugana qeyb qaadato dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo Soomaaliya ka hanaqaadda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilinta iyo dhismaha hay’adaha amniga.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.