Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya
Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa IGAD ayaa Muqdisho ka daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya. Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb galayaan wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah, masuuliyiin ka

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa IGAD ayaa Muqdisho ka daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb galayaan wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, culumaa’udiin iyo odayaal dhaqan.
Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka haweenka ee dadaallada nabad-dhiska, xalinta khilaafaadka iyo geeddi-socodyada lagu xoojinayo nabadda waarta ee Soomaaliya.
Inta uu tababarku socdo, ka qaybgalayaashu waxay isweydaarsan doonaan khibrado iyo habab lagu xoojin karo kaalinta haweenka ee nabad-dhiska iyo horumarinta bulshada. Tababarkan ayaa qayb ka ah Mashruuca Dhisidda Adkeysiga Dhaqaale ee Haweenka iyo Nabad-dhiska (BWERSP), kaas oo laga hirgelinayo qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.