Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Burburinta guryaha Tookiyo oo xiisad dhalisay
Xiisad ayaa ka taagan xaafadda Tookiyo ee Yaaqshiid, Muqdisho, kaddib markii ciidamada dowladda ay bilaabeen burburinta guryo ay degan yihiin dad rayid ah. Ku dhawaad 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray ciidamada iyo dadka deegaanka. The post Burburinta guryaha Tookiyo oo xiisad dhalisay first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Howlgal lagu burburinayo guryo ay degan yihiin dad rayid ah ayaa saacado ka hor ka bilowday xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, Muqdisho, iyadoo ciidamada dowladda ay goobta ku sugan yihiin, waxaana iska horimaad dhex maray ciidamada iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka hor yimid burburinta. Wararka deegaanka ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof ay ku dhaawacmeen rabshadaha.
Dhacdadan ayaa dib u soo noolaysay muranka muddooyinkii dambe ka taagnaa lahaanshaha dhulka iyo burburinta guryaha Muqdisho. Dowladda ayaa sheegaysa in dhulalka qaar ay yihiin hanti dowladeed, halka dadka deegaanka ay ku adkeysanayaan inay muddo dheer ku noolaayeen goobahaas.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa howlgalka wada, waxaana la socda rag adeegsanaya burusyo iyo qalab kale oo lagu furfurayo saqafka jiingadaha iyo guryaha.
Xiisadda ayaa sii korortay markii qaar ka mid ah dadka deegaanka ay isku dayeen inay ka hor yimaadaan burburinta. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in xaaladdu isu beddeshay iska horimaad, iyadoo la maqlay rasaas.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.