Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho
Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Tababarkan oo socday muddo hal sano ah ayaa ciidamada lagu barayay farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, baaritaanka goobaha ay dambiyadu ka […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Tababarkan oo socday muddo hal sano ah ayaa ciidamada lagu barayay farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, baaritaanka goobaha ay dambiyadu ka dhacaan, ururinta iyo ilaalinta caddeymaha, iyo hababka lagu xaqiijiyo xogta muhiimka u ah baaritaannada.
Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelinta tababarkan ka heshay taageero Dowladda Mareykanka, iyadoo ay tababarka bixinayeen khubaro caalami ah oo ku takhasusay baarista dambiyada iyo cilmiga dambi-baarista.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka hadlay Sii-hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Mas’uuliyiinta ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo garsoorku helaan ciidamo leh aqoon iyo xirfad sare oo dhinaca dambi-baarista ah, si caddeymaha laga helo goobaha dambiyada loogu maareeyo hab xirfad iyo sharci waafaqsan, looguna adeegsan karo baaritaannada iyo hannaanka garsoorka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.